Wasiirka Wasaarada Cadaalada Iyo Garsoorka Somaliland Ayaa Waxba Kama Jiraa Ku Tilmaamay Warar Ay Baahiyeen Qaar Kamida Warbaahintu.

Hargeisa(GNN):-Wasiir Cadare Oo La Hadlay Shabakada GabileyNew Ayaa Beeniyey Warar waxba kama jiraan kuwaasi oo ay baahiyeen qaar kamida warbaahintu, waxaanu wasiirku sheegay inaaney jirin wax khilaafaad ah oo ka dhex jira isaga iyo gudoomiyha Maxkmada Sare Somaliland Mudane Aadan Xaaji Cali, Kaas Oo wararku sheegayeen inn khilaaf xoogani soo kala dhexgalay iyagoo isku haystabay yidhaahdeen shaqaaale la doonayey in lagu kordhiyo garsoorka,
Waxaanu Wasiirka wasaarada cadaalada iyo garsoorka somaliland si hufan uga waramay hawlaha shaqo ee wasaarada iyo habsami usocodka shaqo ee bahda garsoorka somaliland, waxaaanu dhammaanba u mahadnaqay waaxyaha kala duwan ee garsoorka somaliland, isagoo ku tilmaamay halgamayaal cadaalada dadka ku haga.

Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network
Axmed Osman Almis