Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Oo Hab Qabyaaladeysan Ushaqaalaysiiyey 19 Qof Oo Ardaagiisa ah Iyo Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha Oo Eex Cadaalad Daro Ku Garabsiiyey

Hargeysa(GNN)Eexda iyo qabyaalada musuqa xambaarsan ee uuku kacay wasiirka xidhiidhka golayaasha somaliland cali xaamud wasiir cali xaamud ayaa wasaaradiisa qoray 19 shaqaale oo ardaagiisa ah isagoona ku tagri falay sharcigii waxaana dhamaan shaqaalahan uuqortay ay shaqada ku galeen iyagoo aan wax imtixaana laga qaadin.
Ila looga qaateena oo dhaq-dhaqaaqoda diirada ku hayey ayaa Wargeyska SAHAN uxaqiijiyey in wasiirka xidhiidhka golayaashu uu maroorsadey sharcigii isla markaana uu shaqaale uu ka qadiyey beelaha kale ee samaroon uu ku taxay 19 ay isku raas yihiin oo maxamed case ah taasna ay keentay cabasho ay ka cawdaan dadka deegaankiisu in masuulkani aanu u cadaalad falin shaqaalihii la qaadanayey iyagoona taas badelkeeda ay ku dhaliilayaan inuu ku garabsiiyey gudoomiyaha hayada shaqaalaha somaliland maxamed mixile boqore oo aan isna umarin habkii sharciga waa faqsanaa isla markaana cadaalad darada garabkiisa ahaa oo kaalin weyn ka ciyaaray sidii 19ka shaqaalahaasi ugu fududaan lahaayen wasiirka.

22-1-90x90
Talaabadan ayaa ku soo beegmaysa xili ay cabasho badan ka taagnayd saami qaybsiga shaqaalaha dawlada oo ay beelaha gobolada AWDAL iyo SALEL ay cabasho ka muujinayeen inaanay helin saamigii ay dawlada ku lahaayeen isla markaana ay dhan ka rarantahay oo beesha dhexe ay iyada ugacan galeen iyadoona tiroba dhawr jeer ay madaxweynaha cabasho ila yimaadeen odey dhaqameedka soo jeeda gobolka awdal oo ka dalbanayey in saamiga shaqaalaha loo kordhiyo iyo masuuliyiinta loo kordiyo iyagoona kula garnaqsadey inaan cadaalad haynin oo laga badsadey dalka.
Waxaana madaxweyne axmed maxamed maxamuud taas badelkeeda kaga jawaabey xilal dhawra oo uu kaga jawaabey codsigooda isagoona magacaabay gudoomiyaha hayada shaqaalaha somaliland maxamed mixile boqore si uu daawo ugu noqdo cabashadooda, balse gudoomiye maxamed mixile waxa uu noqdey in aan daacad unoqon deegaankisa iyo dadkiisa oo baal mara, waxaana uu garabsadey shaqsiyaad uu ka dhex arkayey dantiisa gaarka ah oo ay marag u tahay tan imika soo ifbaxdey ee kootada loogu xidhay wasiirka xidhiidhka golayaasha somaliland oo indhaha ka qarsadey baahidii deegaankiisu u qabay shaqaale ay ka helaan dawlada, talaabadan ayaa laga cabsi qabaa inay khilaaf ka dhex dhaliso beelaha gobolka awdal.

GABILEY.NET
Xigasho: Wargeyska SAHAN