XUKUUMADA OO DAREEN ADAG KA QAADATEY LACAGO AAN SHARCIGA CASHUURAHA WAAFAQSANEYN OO LAGA QAADO BADEECADAHA TOG-WAJAALE

Hargeysa(GNN)-Xukuumada Somaliland ayaa markii u horeysay, kulan dareen adag huwan ka yeelatey lacago aan nidaamka Cashuuraha ee Wasaarada Maaliyada iyo Ha,yadaha dalka waafaqsaneyn oo Rugta Ganacsiga lagaga qaado Badeecadaha Elsiiga ah ee Tog-Wajaale uga baxaya dhinaca Itoobiya.

Hantidhawraha Guud ee Qaranka Somaliland Maxamuud Aw Cabdi Muxumed(Maxamuud-dheere),ayaa lagu wadaa in uu gaadho Magaalada Tog-Wajale ee kutaala xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobaya isaga iyo koox katirsan hantidhawrka oo baadhis rasmi ah ku sameyn doona waraaqha A/4ka ah ee Rugta Ganacsiga lagaga qaado Cashuurta aan waafaqsaneyn Sharciga ee laga qaado badeecadaha Ganacsiga Tog-Wajaale uga baxa dhinaca dalka Itoobiya isagoo xogwraeysi la yeelan doona Saraakiisha Wasaarada Maaliyada ee ku sugan Tog-Wajaale.

dheere
Hantidhawraha Guud ee Qaranka Somaliland Maxamuud-dheere ayaa, lagu wadaa in ay arintan uga hawlgalaan si mug leh inkastoo, lahadalhayo in Qorshahan Xukuumadu la fajacsan tahey ee Dakhliga Cashuur tacriifada Wasaarada Maaliyada iyo Shuruucda dalka midna kujirin oo shakhsiyaad madaxbanaan oo shacbi ahi ka qaadaan Degmada Tog-Wajaale ayaa la xaqiijiyey in ay ku lug leeyihiin Masuuliyiin Xukuumada laf ahaanteeda katirsan, kuwaas oo Ganacsatada Tog-Wajaale farta ku fiiqdo Wasaarada Ganacsiga Wasiiro isaga dambeeyay bal waxa loo dhegtaagaya talaabada ay Hantidhawrku ka qaadi doonaan arintan iyadoo laga dhursugayo in ay shacbiga soo hordhigi doonaan Musuqmaasuqaa ay ka aradan yihiin Adeegyada Bulshada aasaasiga u ah ee Degmada Tog-Wajaale.

 

Gabiley.Net

Wajaale Office