40 Qof Oo Lagu Dilay Weerar Is Qarxin Ah Oo Ka Dhacay Magaalada Cadan

Hargeysa(GNN)Ugu yaraan 40 ruux ayaa lagu dilay weerar is qarxin ah oo ka dhacay magaalada Cadan ee dalka Yemen.
Dadka la dilay ayaa ahaa dhalinyaro ciidamo loo qorayay, kuwaasoo safaf ugu jiray nawaaxiga guriga Taliye ka tirsan Ciidamada Yemen oo ku yaalla degmada Khormakar.
Daqiiqado kadib ayaa waxaa dhacay qarax kale oo ka dhacay meelo ku dhaco saldhiga ciidamada.
Kooxda isku magacawday dowladda Islaamiga ee IS ayaa sheegatay Mas’uuliyada weerarka ka dhacay magaalada Cadan.
Magaalada Cadan ayaa si KMG ah waxay xarun ugu aheyd dowladda Yemen, tan iyo markii uu bilowday isku dayga ay Caasimada Sanca ugala wareegeyso Kooxda Xuutiyiinta.
Todobaadkii hore weerar sidan oo kale ah oo ka dhacay magaalada Mukallah ayaa waxaa lagu dilay askar ka badan labaatan, kuwaasoo tababar ku jiray.

Gabiley.Net