AAWO;Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha S/lnd Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Kormeer Ku Tagay Degmada, Laasgeel .

Hargeisa(GNN):-Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Cali Maxamed Cilmi iyo Wafti u balaadhan oo uu hogaaminayo kana kooban xukumada iyo xisbi xaakimka kulmiye oo ay ka mid yihiin Mareeyaha Arimaha Cawimada WFP Saciid Xasan Cabdilahi , Badhasab Ku Xigeenka Gobolka Maroodi Jex, Cuqaal, Odayaal iyo Xubno ka tirsan Xisbiga Kulmiye ayaa kormeer ujeedadiisu tahay sida ay usocoto diwaangalinta codbixiyaashu kusoo maray degmada lasgeel iyo deeganada hoos yimada si ay u so indho indheeyan habsami socodka howlaha diwaan galinta doorashoyinka ee ka socda gobolka maroodi jeex.

Waftiga oo socdalkoda ka bilaabay tuulada dararwayne waxay la kulmeen madaxda tuulada, cuqaasha iyo odayaasha degaanka waxayna waftigu ku dardaaren dhamaan dadka degaan degaanka in si hufaan ku jirto u gutan wajibadka qaranka ka saran oo ay isdiwaan galiyaan isla mar ahaanta waftigu waxay u Kuur galeen siday u socoto howsha ay gacanta ku hayaan komishanka qaranku iyo hubiyna in ay jirto wax cilad ah oo u baahan in wax laga qabto.

Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network