CIIDANKA SOCDAALKA TOG-WAJAALE OO GACANTA KU DHIGAY TAHRIIBAYAAL FARA BADAN OO ITOOBIYAAN AH.

Tog-Wajaale(GNN)-Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley ee fadhigeedu yahey Degmada Tog-Wajaale ee kutaala xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya,ayaa soo qabqabtey Tahriibayaal fara badan oo kasoo jeeda Dalka Itoobiya kuwaas oo dhuumasho kaga gudbayay Gudaha dalka Somaliland.

Tahriibayaashan oo tiradoodu dhameyd 137 qof oo isugu jira rag iyo Dumar islamarkaana, laga soo qabqabtey meelo kala duwan oo isla Gobolka Gabiley ah gaar ahaana Tog-Wajaale iyo Gabiley,iyadoo hawlgalka qabqabashadooda ay iska kaashadeen Ciidanka Booliska Gabiley Ciidanka Booliska Tog-Wajaale iyo Ciidamada Laanta Socdaalka Gobolkani.

Taliyaha Ciidanka Socdaalka Gobolka Gabiley Cabdirashiid Axmed Xasan oo faafaahin ka bixiyay CTahriibayaashan iyo sidii ay uga hawlgaleen Ciidamada Boolisku ayaa sheegay in aaney si fudud ugu suurtagasheen soo qabqabashadoodu hadaaney Ciidanka Boolisku gacan ka siinin isagoo arimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi.

“Waxaan halkan uga mahad celinayaa labada Taliye Saldhig ee Saldhiga Booliska Degmada Gabiley iyo Saldhiga Booliska Degmada Tog-Wajaale Axmed Cabdi Daahir(Dacawo),iyo Keyse Suudi Caraale(dacawo), labudba wey nagala qeyb qaateen kaalin xoog leh waliba ladagalaanka tahriibyaasha la,aantood noomay suurtagasheen in aanu tahriibayaashan oo dhan gacanta kusoo dhigno”Ayuu yidhi .

Waxaanu xusay tirada guud ee tahriibayaashan u dhashey dalka Itoobiya iyo halkii ay kasoo qabqabteen.

“Tahriibayaashan oo dhaamntoodba ah Itoobiyaan waxa ay tiradoodu guud dhan tahey 137 Tahriibe oo rag iyo dumar isugu jira 96 kamid ah waxaa laga soo qabtey nawaaxiga Magaalada Gabiley halka 41ka kalena aanu kasoo qabaney Tog-Wajaale iyo nwaaxigeedaba,waxaanu kusoo qabaney afar baabuur oo NOHA ah iyo ragii wadey intaba waxaananu rajeyneynaa in dhawaan sharciga la hor keeni doono ,anagoo uga digeyna cidii guryahooda ku koontarabaanisana in aanu talaabo ka qaadi doono”Ayuu yidhi Taliyaha Socdaalka Gobolka Gabiley Cabdirashiid Axmed Xasan.