Dawlada Itobiya Oo Soo Dhoweysay Heshiiska Ay Wada Gaadheen Somaliland Iyo Imaaraadku.

Dawlada Itobiya Ayaa Si Balaadhan U Soo Dhoweysay Heshiis Caalamaiya Oo Kala Sexeexdeen Labada Dawladood Ee Somaliland Iyo Dawlada Emaritka Carabta

Heshiiskan Ayaa Waxa Uu Ku Saabsan Yahay Hawlaha Maal Gashi Ee Dekeda Magaalada Ber Bera Taas Oo Dawlada Somaliland Si Toos Ah Ugu Wareejinayso Shirkad Laga Leeyahay Dalka Emiradka Carabta
Taas Oo Maal Gelin Iyo Balaadhin Ku Samaynaysa Dekeda Weyn Ee Magaalada Ber Bera Dawlada Itobiya Oo Dhawaan Dawlada Somaliland La Saxeexatay Heshiis Dhanka Isticmaalka Dekeda Magaalada Ber Bera Isla Markaana Ka Mida Dawladaha Sida Tooska Ah Wax Ugala Soo Dega Dekeda Magaalada Ber Bera
Sidoo Kale Heshiiskii Hore U Gaadheen Labada Dawladood Ee Somaliland Iyo Itobiya Oo Ahaa Mid Taariikhiya Ayaa Waxaa Ka Mid Ahaa In La Sameeyo Jid Weyn Oo U Kala Goosha Labada Dawladood Ee Somaliland Iyo Itobiya
Si Kastaba Ha Ahaatee Dawlada Somaliland Ayaa Iyadu Xusul Duub Ugu Jirta Sidii Dalka Loo Maal Gelin Lahaa Ila Dhaqaale Ee Muhiimka Ah Isla Markaana Uu Leeyahay Dalkeenu
Heshiiskan Dhowaan La Gashay Dawlada Somaliland Dawlada Emaritka Ayaa Sii Laba Jibaartay Rajada Iyo Himilada Dhow Ee Dawlada Etobiya Ka Qabto Inay Wax Kala Soo Degto Dekeda Magaalada Ber Bera Isla Markaana Si Toos Ah U Isticmaasho
Sidoo Kale Shirkada Lagu Wareejiyay Dekeda Magaalada Ber Bera Ayaa Waxaa La Maamuli Doona Gudi Uu Magacaabay Madaxweynaha Somaliland Taas Oo Si Dhow Ula Socon Doonta Habsami U Socodka Hawlaha Dekeda Magaalada Ber Bera Sidoo Kale Maamulkii Hore Ee Dekeda Magaalada Ber Bera Oo Uu U Horeeyo Maareeyaha Guud Ee Dekeda Eng Cali Xoor Xoor Ayaa Soo Dhoweeyay Heshiiskan Waxaanay Sheegen Inay Muhiim U Tahay Dawlada Somaliland Iyo Shacabkeedaba Waxaana Durtaba Muuqata Faa,iidada Heshiiskan Taas Oo Markii Laba Dawladood Ee Emiradka Carabta Iyo Somaliland Ay Gaadheen Heshiiskan Ay Soo Jiidatay Dad Badan Iyo Dawlado Badan Oo Iyagu U Hamuun Qabay Isticmaalka Dekeda Weyn Ee Gobolka Saaxil