Dooni Tahriibayaal siday oo ku degtay Bada Liibiya iyo Talyaaniga Udhaxeysa – VIDEO

Ciidamada Talyaaniga ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen intii badneyd tahriibayaashii saarnaa doonida shalay ku degtay bada u dhaxeysa Talyaaniga iyo Liibiya.

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhintay doonidan gadoontay oo la sheegay inay saarnaayeen in ka badan 560 qof.

Doonida ayaa la sheegay inay gadoontay kadib markii ay usoo dhawaayeen ciidamada bada ee Talyaaniga.

Taliska ciidanka Bada ee Talyaaniga ayaa sheegay in sidan oo kale maalintii Salaasadii lasoo dhaafay ay bada kasoo badbaadiyeen dad gaaraya 3000 qof oo saarnaa 23 doonyood oo bada ku dhex dagay.

Xiliga uu soo dhawaado xagaaga oo ay badu degto ayey kooxda wax tahriibaya bilaabaan hawlahooda ay dadka uga soo qaadayaan xeebaha dalka Liibiya. Balse inta badan doonayaha dadka lasoo saaro ayaa ah kuwo duugoobay oo intooda badan bada ku dhex dega.

Log11