Dowlada Itoobiya Oo Sheegtay Kaalinta Ay Kulahayd In Imaaraadku Somaliland Heshiiska Dekedda Berbera La Saxeexdo

Warbixin rasmi ah oo uu soo saaray Masuul u hadlay maamulka dhinaca arimaha dibadda ee dalka Itoobiyaaa ayaa lagu yidhi “Aad ayaanu ugu faraxsanahay
inay Imaaraadka Carabtu Maalgashi ku sameeyaan Somaliland halkii ay Eritrea ka maalgelinlahaayeen, waxaanu sido kale ku wargelinay dalka Saaxiibka aanu nahay ee Jabuuti Siyaasadaydda laba geesoodka ah ee la xidhidha Isticmaalka Dekeddaha Berbera iyo Jabuuti”
Dhinaca kale waxa lagu yidhi qoraal shirkadda Dubia Ports World ka soo baxay oo isla todobaadkan Kombaniga Maarsadda Berbera Mgaalgashiga Balaadhan ee $442 Milylan ee Dolar ku qarash garaynaya waxa lagu yidhi “Dekedda Berbera waxay keeni doonta badeecado badan oo dalka Itoobiya baahi weyn u qabay oo xaga koboca dhaqaalaha”
Mulugeta Assefa oo isna ah Madaxweynaha ama Madaxa Hay’adda dhianaca Baddaha iyo Maraakiibta ee (the Ethiopian Freight Forwarders & Shipping Association) oo ka hadlaayey in aanay wixii had aka dambeeya ahmiyad weyn u laheyn maarsadda dalka Jabuuti wuxu yidhi “Maarsadda Dekedda DJabuuti wixii hada ka dambeeya ahmiyad nooma laha, khaasatan imika maadama cadadka Baddeecadaha aanu kala soo degnaa waxaanu kala soo degnaa ay sii yaraanayaan, si cayiman waxaanu u baahanahay dekeddo aan caadi aheyn oo ka duwan midan Jabuuti aanu ku haysano oo kale”

Agaasimaha guud ee Arimaha Baddaha ee dalka Itoobiya u qaabilsan Mr Mekonne Abera oo dhankiisa isna ka hadlayey heerka iyo awood adeegyadda Kaargooga ka soo dega ee ay qaadi karto Maarsadda Berbera wuxu yidhi “Wakhtigan Dekedda Berbera aad ayuu u hooseeya Shixnadda la soo marin karo ama laga soo dejin karaa, lamana qiimo noqon karto hada iyadu adeega ay qaban karto dekedda Jabuuti, kolka waxaanu fileyna horumarinta ay Shirkadda Dubia Ports World (DPW) ku casriyeynayso Maarsadda Berbera waxaan filayna inay naga caawiso in aanu ka heli doona Dekedda Berbera adeegyo Casriyeysan”

Wasiirka Gaadiidka ee dalka Itoobiya Mr Werqneh Gebeyehu oo isna la hadlaayey Joornaalka Magaaladda Adisababa ka soo baxa ee The Fortune Newspaper oo soo dhaweynaayey Heshiiska Somaliland iyo dalka Imaaraadku ku galeen Casriyeynta Maarsadda Berbera wuxu yidhi “Soo dhawaada ayaanu leenahay heshiiska ay Dubia Ports World Somaliland la saxeexatay, waxaanu ku rajo weynahay inay Faa’iido noogu jirto casriyeynta ay Dubia ku sameynayso Maarsadda Berbera ee ay saxeexday.