Guddoomiyaha WADDANI oo Muujiyey Kalsooni-darrada uu ku Qabo Axmed Muumin Seed iyo Uurcadde

Hargeisa(GNN):-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa muujiyey kalsooni-darrada uu ku qabo Guddoomiye-ku-xigeenkiisa kowaad Axmed Muumin Seed iyo Xoghayaha guud ee xisbiga Maxamed Cabdillaahi Uurcadde.

Tallaabadii u dambaysay ee soo muujisay fadeexadda siyaasadda kala jeedda ee Guddoomiyaha iyo madaxda sarsare ee xisbiga waxay soo ifbaxday sannad-guurada 25aad ee guushii jabhaddii EPRDF ku qabsatay dalka Itoobiya oo maalinta loo yaqaan GIMBOT xusay 28-kii bishan May 2016, taas oo madaxda xisbiga WADDANI ku qaabileen hab ka baxsan hannaan kala dambayn ah.

Xaflad xuska GIMBOT ee Itoobiya loogu sameeyey magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland galinkii hore ee Sabtidii oo lagu casuumay madaxda dawladda iyo xisbiyada Somaliland waxa ka qaybgalay Guddoomiyayaasha labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE – Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Muuse Biixi, halka xisbiga WADDANI ay u matalayeen Guddoomiye-ku-xigeenkiisa Axmed Muumin Seed iyo Xoghayaha guud Maxamed Cabdillaahi Uurcadde oo ay wehelinayeen masuuliyiin kale.

Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga WADDANI Md. Axmed Muumin Seed oo hadal uu ku matalayey xisbigiisa ka jeediyey xafladdaasi waxa uu hambalyo u diray dawladda Itoobiya iyo shacabkeeda xuska sannad-guurada GIMBOT ee guushii ay ka soo hooyeen inay dalka ka xorreeyaan nimaadkii kaligii-taliskii Mengistu Haile Mariam.

Haseyeeshee, Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro, ayaa fiidkii isla maalinta xafladdaasi la qabtay soo saaray qoraal uu ku sheegay inuu isagu ku hadlayo afka xisbigiisa oo uu ugu hambalyeynayo dawladda Itoobiya xuska maalinta GIMBOT.

War-qoraal laga soo saaray xarunta xisbiga WADDANI oo lagu faafiyey hambalyada Guddoomiye Cirro waxa qayb ka mid ah lagu yidhi, “Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo ku hadlaaya afkiisa, ka xildhibbaanada, hoggaanada, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga WADDANI, waxa uu hambalyo iyo boggaadin uu u dirayaa shacabka iyo dawladda aynu walaalaha nahay ee dalka Itoobiya, isaga oo ku hambalyeynaya xuska 20 Gimbood oo ah 25-guurada ka soo wareegtay wakhtigii talada dalka Itoobiya laga tuuray xukunkii kaligii taliska ahaa ee gacanta ku hayey talada dalkaas Itoobiya.”

Haddaba, arrintan ayaa u muuqata in aannu Guddoomiyaha xisbiga WADDANI wax kalsooni ah ku qabin madaxda xisbigiisa uga hoosaysa, gaar ahaan Guddoomiye-ku-xigeenkiisa Axmed Muumin Seed iyo Xoghayaha Guud Maxamed Uurcadde, maadaama ay u cuntamiwayday madal maamuuska leh oo ay ku matalayeen guud ahaan xisbiga iyo hoggaankiisa oo weliba uu ka hadlay ku-xigeenkiisu, balse uu ka daba keenay qoraal lidi ku ah ka qaybgalkooda xafladdii iyo hab-maamuuskooda xileedba.

Sidaasi darteed, waxa uu xisbiga WADDANI u muuqdaa inuu yahay xisbi taladiisu ku urursan tahay hal qof oo keliya oo ah hoggaamiyihiisa Cabdiraxmaan Cirro iyo mus-dambeed talada uu ka qaato oo ka kooban reerka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, taasina waxay mar kale marag-ma-doon u noqonaysaa dhaliisha ugu wayn ee lagu eedeeyo xisbiga WADDANI inuu yahay xisbi reer ee aannu ahayn mid qaran oo taladiisa la wada leeyahay.