Maayirka Caasimada Hargeisa Iyo Xoghayiihii DHH oo Ku Kala Saftay Xubno Kala Taabacsanaa, Oo Maayirku Shaqada Ka Eryey Qaarkood.

Hargeisa(GNN):- Inkasta Oo Dadaal Farabadan oo Shacabkii Soodoortay Mudanayaashan Golaha Deegaanka Caasimadu rabeen ay u muuqato inay kagaga mashquuleen arrimo siyaasadeed iyo dano gaara, haddana waxa jira khilaafaad xoogan oo soo kala dhexgalay hormoodkii dawlada hoose ee la rabay inay shacabka u adeegaan,Arrinta ayaa timid kadib markii maayarka caasimada Hargeysa Uu saaka Subaxdii Hore shaqadii ka joojiyey injineero ka hawlgalijiray dawlada hoose caasimada hargeisa,

hawlaha ay dawlada hoose qabato, waxaanu shaqadii ka eryey qaar ka mid ah Injineerada dawlada hoose ee mudada dheer ka soo hawl galayey iyada oo uu ka mid yahay Eng Kayse Xasan Fidhin iyo Agaasimaha waaxda cashuuraha ee dawlada hoose Cali Xaaji Warsame.

Xoghayaha dawlada hoose ayaa talaabadaasi uu maayarka caasimadu qaaday kaga jawaabay inuu isaguna dhiniciisa shaqadii ka joojiyo xubno ka hawl galayey dawlada hoose oo uu ka mid yahay agaasimihii waaxda qorshaynta dhulka ee dawlada hoose Khaalid Sheekh Abiib kaas oo uu ku eedeeyey inuu si gaar ah ugu adeegayo maayarka caasimada.

Dadweynaha caasimada Hargeysa ayaa loo baahan yahay inay ka jawaabaan gaabiska ka muuqda shaqooyinkii ay dawlada hoose ee caasimada Hargeysa u qaban jirtay, iyada oo aanay ilaa hada shaqada kasocota Dawlada Hoose Hargeisa ahay mid bulshada sidii la rabay loogu adeegayo.

Xafiisyada kala duwan ee dawlada hoose ayaa subax kasta shacabka kala duwan ee danaha u lihi hor tuban yihiin kuwaas oo dadka badankoodu iskaga rawaxa iyadoo aaney u hirgalin in ay helaan adeegyadii iyo hawshii ay u socodeen.
13140538_993291110760932_12609084_n13140864_993290624094314_1740079337_n13141056_993290440760999_805674918_n

 

 

Ficilada isku lidka ah ee maamulka caasimada ayaa haddii aan si deg-dega wax looga qaban caqabad ku noqon kara hawlihii shaqo ee bulshada kala duwan ee ku dhaqan caasimada iyo Horumarintii caasimada somaliland.

Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network
Axmed Osman Hassan.