Magacyada Iyo Wajiyada Todobadii Dhalinyarta Ahee Ee Shallay Ku Dhintay Shilka Baabuur AUN.

Burco(GNN):-Alle Hawnaxariistee todoba qof oo dhalinyaro ah ayaa ku Geerioyooday shil gaadhi oo ka dhacay shalay gelinkii dambe deegaanka Kalashalka oo u dhexeeya degmooyinka Shiikh iyo Qoyta. Shilkan ayaa dhacay ka dib markii gaadhiga ay saarnaayeen marxuumiintani oo ahaa nooca Raaxada ay jiidhay gaadhi booyad ah oo kohor timid. Alle haw naxariistee dadkaasi geeriyooday ayaa waxa ku jiray wariye ka hawlgali jiray warbaahinta madaxa bananaan, gaar ahaana telefishenka SBC. SHIL-BAABUURShilkan ayaa waxa ka badbaaday ilmo yar oo hooyadii dhashayna ay ku geeriyootay, waxaana meydadka marxuumintaasi la dhigay cusbitaalka weyn ee magaaladda Burco. “shil aad u foolxun baa ka dhacay Karashalka meesha la yidhaa oo aan ka fogeyn Qoyta. Baabuurka shilka galay waxa ku dhintay todoba qof, imika inankii ugu dambeeyay waxa uu ahaa Alle ha u naxariistee wariye Sharmaarke oo SBC ka hawlgalayay, waxa ku dhintay shilkaasi saddex hablood iyo afar wiil. Hablaha laba ayaa walaalo ah oo xaga hooyo ka walaalo ahaa.Capture Waxa ka badbaaday shilkan ilmo yar oo todoba bilood jira, oo ay dhashay mid kamida labadaasi hablood” sidaasi waxa yidhi Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Ibraahin Aadan (Qabo) oo xalay warbaahinta kula hadlay barxada hore ee cusbitaalka Burco.

Sababta shilkan keentay ayaa sida uu guddoomiyaha gobolku sheegay ay baadhisteeda weli boolisku gacanta ku hayaan. Shilkan ayaa noqonaaya Shilalkii ugu naxdinta badnaa ee Jidkaasi ka dhaca mudooyinkii u danbeeyay.

Magacyada todobada marxuum ee ku geeriyooday shilkaasi

Raxma Saalax Buur

Kawsar Faysal Cabdi

Ayaanle Dhuux

Cabdishakuur Maxamed

Keyse Ismaaciil Maxamed

Sharma’arke Cisman Axmed
Iyo Aadan

Burco Somaliland
Gabiley News Network
Burco Office