Daawo: “Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal cad quudheed ma qaadan jirin, dalkiisana uma soo qaadi jirin” Mudane C/laahi Maxamed Ducaale

Siyaasiyiinta Somaliland maxaa u diiday inay noqdaan sida Mudane C/laahi Maxamed Ducaale wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda JSL wakhtigii dawladii UDUB, wuxuuna ahaa wasiir ilaa iyo 1993 isaga oo wasiir ka soo kala noqday wasaaraddo badan oo dalka ka mid ah, basle markii uu Daahir Rayaale Kaahin xilka ku wareejiyey Mudane Axmed Maxamed Siilaayo ayuu isaguna maalintii ku xigtay xilka wareejiyey dibna uma hadal.

Xataa C/laahi Maxamed Ducaale xukuumadda KULMIYE waxay qasab kaga qaaday gurigii dawladda ee uu ku jirtay ee ku dhegsanaa Madaxtooyada JSL, isaga oo uga tagay wixii alaab dhex taalay oo aan shay ka qaaday, kaliyana wuxuu ka qaaday shadad yar oo dharkiisu ugu jiray. Kamanuu hadal sida siyaasiyiinta kale ee Somaliland qaylo lagama maql si sharaf iyo karaamo leh ayuu ku siiyey oo xataa ay dawladda KULMIYE la yaabtay sida uu ka yeelay.

Bal nala daawo isaga oo markii ugu horeysay tan iyo maalintii uu xilka ku wareejiyey Maxamed C/laahi Cumar meel fagaare ah ka hadlay, wuxuuna ka hadlay xaflada baroordiiqda ah ee sanad kasta loo sameeyo Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal madaxweynihii hore ee Somaliland.