Nin Somali ah oo lagu magacaabo Abraham Lincoln oo khatar Bomb been ah bixiyey oo lagu xidhay Bristol

Nin ka shaqayn jiray shirkada waraaqaha (Post) looguna yeedho hadda Abraham Lincoln horena loo odhan jiray Mawliid Cabdi oo Somali ah ayaa wuxuu farriin qoraal beena oo Bomb ah u diray si uu uga cabsiiyo kambanigii uu u shaqayn jiray ayaa lagu xukumay magaalada Bristol .

Abraham oo 36 Jir ah ayaa fariintan u diray company-ga Post ee uu ku shaqayn ka dib markii laga eryey sababo la xidhiidha ka maqnaanshiyihiisa shaqada (Poor Absence).

Fariimihii Polisku baadhay markii loo gudbiyey qolyaha ka hortaga argagixisada waxa ka mid ahaa fariin uu ku leeyahay (Waxaan u shaqeeyaa hay’adda sirdoonka Ingiriiska ee MI6″ mid kalena wuxuu ku yidhi “Bomb ayaa ku jira Parcel”.

Fariintan ayaa waxa degdeg loogu gudbiyey inay baadhaan Police-ka South West Counter Terrorism Unit, ka dibna waxay u gudbiyeen Maxkamada.

Abraham ayaa waxa uu u shaqaynayay Post la yidhaahdo UK Mail ee Magaalada Bristol.

Xigashada Warkan hoos ka eeg.

Source: Bristol Post

Source: Daily Mail News Letter

Source: ITV

ukmail