PRO:AXMED ISMAACIIL SAMATER TALAABOOYIN MUUQDA MA KUSOO KORDHIYAY SOMALILAND INTII UU AYIDEY MISE WALI UMA QUDHQUDHSNA(FAALLO)

Hargeysa(GNN)-Muran kama taagna in Pro: Axmed Ismaaciil Samater,oo ah Aqoonyahan Culus oo saamayn ku leh dooda iyo Xogwaranka isbadelada Siyaasadeed ee Soomaalida mudo badana mowqif adag ka taagnaa Gooni isutaaga,Jiritaanka,iyo Qaranimada Somaliland isagoo siweyn u aaminsanaa in Soomaaliweyn muqadas tahey oo aan marnaba lakala maarsan Karin sidoo kalena, talaabada ay ku dhaqaaqeen Shacbiga iyo Siyaasiyiinta Somaliland ee dib ula soo noqoshadu tahey riyo sida uu wakhti badan iyo tacab badan ku galiyey doodihiisa iyo xogwareysiga Warbaahinta kala duwan ee Soomaalidu haseyeeshee, waxa uu mar kaliya kasoo noqdey badheedhayaashiisii kalgaceylka midnimada Soomaaliyeed kadib markii uu gidaarka kusoo taabtey Magaalada Muqdisho taas, oo Doorashadii 10kii Sebtember 2012kii ee Xasan Sheekh Maxamuud

downloadlagu doortey taas oo uu ka helay sideed xubnood oo dhamaantood kasoo jeeday Gobolka Awdal ee uu isaguna kasoo jeeday mana jirin wakhtigaasi qof kale oo Soomaaliyeed oo cod ku siiyay murashaxnimadii Madaxtinimada Soomaaliya,Doorashadaa kadib waxa isaga iyo Saaxiibkii Pro:Cali Khaliif Galeydh u xusul duubeen in ay kamid noqdaan Xubnaha Golaha Xukuuada ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud khusuusana laba jago oo ay isku qanciyeen oo kala ahaa danjiraha Soomaaliya u fadhiisan doona Qaramada Midoobay iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiisan doona Washington (Dawlada Mareykanka), waxaanu dhawr jeer kula kulmey waagaas Xarunta Villa Soomaaliya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,waxaanu xiligaas ku qanciyay Xasan Sheekh Maxamuud(Madaxweynaha Soomaaliya), labada aqoonyahan ee kasoo jeeda Somaliland Pro:Samater iyo Pro:Galeydh in uu labadaa xil isugu lamaaneeyay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo noqdey safiirkii ugu horeeyay ee Soomaaliya u fadhiista labaatan iyo laba sano kadib Qaramada Midoobay iyo Mareykanka,waana markaa wakhtiga uu dhab ahaan uga soo noqdey mab,da ii Soomaliweyn ee uu mudada dheer dacalka hayey.

Hadaba marka loo soo noqdo tan iyo intii uu Pro:Axmed Ismaaciil Samater kasoo noqdey,mowqifkii uu ka haystey Midnimada Soomaaliyeed una soo noqdey xaqiiqda Somaliland wax badan kaga duwan tahey Koonfurta Soomaaliya iyo rajada ka dhaw damaciisii riyada ahaa waxa laga filayey in uu talaabooyin badan oo uu ku kasbanayo shacbiga aqoonyahanka iyo Waxgaradka Somaliland ku dhaqaaqo islamarkaana, dood iyo docba sidii uu awal hore mawqifyada Midnimada Soomaaliyeed ugu adkaa uga jeediyo meelo badan hadey tahey dunida Caalamka,Afrika,Wadamada Carbeed,iyo Soomaalida laf ahaanteeda,inkastoo uu Somaliland siwanaagsan ugu dhawaaqey markii si qiima badan loogu soo dhaweeyay kana joojiyey Gobolada Waqooyi oo uu awal odhan jirey majiran arimo badheedhe culus ah oo loo tirinayo wakhti xaadirkan marka loo eego Somaliland iyo istijaaha Mustaqbalkeeda gooni isutaaga ay kaga maarantey Soomaaliya inteeda kale, mudooyinkii u dambeeyay waxa siweyn looga dheehanayey guud ahaanba Warbaahinta Soomaalida hadalo naqdi,iyo dhaleecayn u badan oo uu gees skaga taagey Somaliland nidaamkeeda Maamul maadaama uu marar badan sheegay in aaney jirin qorshayaal,iyo nidaam maamul oo wanaagsan in qabyaaladu badan tahey iyo arimo kale oo dhaliilo ah.

Sikasta oo ay tahey waxa ay isweydiinayaan guud ahaanba Aqoonyahanka,Waxgaradka,iyo dadka inta badan la socda dhaqdhaqaaqa Siyaasada Arimaha dibadda iyo Gudaha Somaliland iyo shakhsiyaadka kale ee sida weyn loo yaqaano intuba waxa ay Aragtiyaha Pro: Axme Ismaaciil Samater ee Somaliland ee Xiligan kusoo ururiyeen in uu wali kaga jeedo damaciisii uu ku hungoobay ee Soomaaliweyn laakiin, aaney wali u qudhqudhsaneyn Somaliland iyo Geedisocodkeedu.
Gabiley.net
Gabiley office