Gabiley-Masuulka Xisbiga Waddani Ka Tirsan Oo Xabsiga Loo Taxaabay+Dhalinyaro Ka Gadooday Xadhigiisa.

Gabiley(GNN)Ciidamada Booliska ayaa saaka xabsiga u taxaabay Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada ee Xisbiga Mucaaridka Ah ee Wadani, Maxamed Nuur Moooge Kadib Markiii uu Mar Ku Bixiyay Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose C/raxmaan Nuur Abokor Xadhigani

shabeel

Gudoomiyaha Ayaa Markii La Xidhay Waxa Dhalinyarada Badan oo Ka Gadoodsan Xadhiga Gudoomiyahoogu Ku Soo Xoomeen Saldhiga Booliska Kadibna Ay Kala Dareeriyeen Ciidamada Boolisku .
Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Gabiley ee Xisbiga Mucaaridka Ah Wadani Maxamed Nuur Mooge (Shabeel)Ayaa xadhigiisu salka ku hayaa dhaliilo uu dhowaan u jeediyey Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose ee Gabiley C/raxmaan Nuur Abokor

Si Kastaba Ha Ahaatee Arintani Xadhiga Ayaa Sobobi Karta Kacdoono Badan oo Mudooyinkan Danbe Laga Raystay inay Dib ugu Soo Cusboonadaan Magaalada Gabiley

Wixii Wara ee Ka Soo Kordha Kala Soco Shabakada Wararka ee Gabiley.net