Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Oo Ka Hadlay Wada Hadalka Somaliya Iyo Somaliland

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Oo Ka Hadlay Wada Hadalka Somaliya Iyo Somaliland

*“Sababta Aanu U Rabno Wadda Xaajoodka Iyo Hadaladdo Aanu La Yeelano Somalia Waxay Tahay Si Aanu U Gaadhno Xal Laba Dawladdood Oo Isku Mid Ah” *Wasiir Dr Sacad Cali Shirre

Hargaysa(GNN)Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday u jeedada dhabta ah ee ay ka leedahay sii wadida wadda Xaajoodka ay kula jirto Wadda hadaladda Turkey-ga mudada dheer ka sii socda ee ay Somalia la wadaan, waxaanay u jeedada ugu weyn ee danta Somalia ugu jirta wada hadalkaasi ku tilmaameen inay tahay sidii qaran Madaxbanaan oo Somaliland ah loo gaadhilahaa.

Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shirre, ayaa waraysi uu siiyey Wakaaladda IRIN, waxa uu u cadeeyey in Sababta ugu weyn ee ay Somaliland
u daneynayso wadda hadalka Turkey-gu garsooraayo ee ay Somalia kula jiraan lana filaayo in Wajigiisii 9aad uu bishan dhamaadkeeda dib ANKARA uga furmo inay tahay sidii loo helilahaa in la gaadho ugu dambeysta laba dawladdood oo kala madaxbanaan iyo qaran Somaliland ah oo buuxa, isla markaana ay sii wadayaan wada xaajoodka ilaa iyo inta laga gaadhaayo hadafkaasi.

Dr Sacad Cali Shirre oo uu Wakaaladda IRIN uga jawaabayey su’aal aheyd sababta wada hadalka dabada dheeraaday ay Somaliland u la sii wado maamulka muqdisho ee Somalia wuxu yidhi “Sababta aanu u rabno wadda Xaajoodka iyo hadaladdo aanu la yeelano Somalia waxay tahay si aanu u gaadhno xal laba dawladdood oo isku mid ah”

Gabiley.Net
Office Gabiley