Xafladii xilwareejinta Garabka Haweenka Xisbiga KULMIYE ee Bristol

Bristol (Gabiley.net) Waxa magaalada Bristol xalay lagu qabtay xaflad aad u balaadhan oo ay xilka kula wareegayeen labada Guddoomiye ee Garabka haweenka Kumiye Bristol ayna ka soo qayb galeen dhammaan Guddida Fulinta iyo laamaha Xisbiga KULMIYE ee wadanka Boqortooyada Midowday (UK).

qotaali2

Xafladaas oo ay xilka kula kala wareegayeen Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Garabka Haweenka ee hadda xilka la wareegtay Marwo Ruqiya Cabdi Xudhuun iyo guddoomiyihii hore ee garabka haweenka xisbigaas Marwo Yaasmiin Cabdi Ruush.

guddiyada KULMIYE UK

Ugu horeyn waxa hadalo iyo khudbado kala duwan ka soo jeediyey guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Bristol Mudane Mustafe Xaashi Cismaan, Odayaasha Magaalada, musdanbeedka xisbiga KULMIYE ee magaalada Bristol, wasiirkii hore ee warsahadaha Somaliland Maxamed Saleebaan iyo la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Mr. Axmed Xasan Carwo. Waxa iyaguna sidoo kale khudbado ka soo kala jeediyey dhammaan madaxda laamaha Xisbiga KULMIYE ee magaalooyinka Cardif, London iyo Sheffield.

DSC00496

DSC00506 DSC00520 Intaa ka bacdi waxa hadalka lagu wareegtay guddoomiyihii xilka ka degtay Marwo Yaasmiin Cabdi Ruush oo sacab badan lagu soo dhaweeyey, hadal koobana madasha ka jeedisay iyadoo ku dheeraatay aasaaskii Xisbiga KULMIYE ee garabka Bristol inay iyada iyo afar hablood oo kale aasaaseen wakhtigii uu xisbigu mucaaridka ahaa, hawl badana ka soo qabatay, waxaanay Ruqiya ku dardaartay in xisbigu hadda uu u baahan yahay xoog cusub oo dardar galiya xisbiga oo hadda uga baahi badan sidii uu barigii hore ahaa, Ruqiyina ay ku soo beegantay wakhti adag oo uu xisbigu Olole galayo.

DSC00540

Waxaanay sheegtay inay la shaqayn doonto xisbiga ay taageersan tahayna aadna u soo dhawaynayso Ruqiya oo ah gabadh aad u firfircoon oo jiilkii ka yaryaraana ah aadna ugu han weyn tahay.

DSC00501DSC00503
Intaa ka bacdi waxa hadalka qaadatay Guddoomiyaha cusub ee garabka Haweenka ee xisbiga KULMIYE Marwo Ruqiya Cabdi Xudhuun aadna ugu mahadnaqday marwo Yaasmiin, odayaashii iyo xubnihii fulinta ee xisbiga KULMIYE ee madasha ka soo qayb galay, waxaanay ballan qaaday inay horumarin doonto garabka Haweenka ee KULMIYE Bristol intii karaankeeda ah mudada ay xilka hayso.

qotaali3

Intaa ka bacdi waxa shahaado sharaf la guddoonsiiyey guddoomiyihii hore ee garabka haweenka KULMIYE marwo Yaasmiin Cabdi Ruush.

DSC00527

Dhawaan Gabiley.net kala soco muuqaalo ku saabsan xafladan.