CALI GURAY OO ISBARBAR DHIG KU SAMEEYEY KHARASHAADKA JAMAAL CALI XUSEEN KAGA BAXAY XISBIGA UCID IYO XISBIGII BURBURAY EE UDUB

Hargeysa(GNN)Gudoomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbiga Ucid Cali Maxamed Yuusuf(Cali Guray) ayaa ka hadlay kharashaadka ilaa hada musharax Jamaal kaga baxay xisbiga Ucid iyo xisbigii burburay ee Udub.

cali gurey

Cali Guray oo qoraal uu arintaasi kaga hadlayo soo dhigay boga uu ku leeyahay Facebook, ayaa waxa uu is barbar dhig ku sameeyey labada kharash ee Jamaal Cali Xuseen kaga baxay labadaas xisbi ee midkood burburay.

Qoraalka  uu Cali Guray ku faafiyey bogiisa Facebook  ayaa u dhignaa sidan

“DHAN WALBA HA LAGU QADO EH DHEGLAY KU SHUB”

Anigu sida Ina Cali Waraabe beenaale ma ihi, khayinna ma ahi, bilaa wacadna ma ahi.

amaal 300,000,$ oo udub ku xidhay musharxnimadiisa markii uu dhigay waatii la isku rogay lacagta ka baxday markaa ilaa 100,000$ ayaan ku qiyaasayaa intii aanay Faysal heshiiska wada gelin eenu UCID noqon. 200’000$ ee kale wuxu geliyay UCID waanay ka go’day kaambaynkii oon la gaadhin hadana isaga ayuun baa wixii ku baxay ololaha iyo baahiyihii kaleoo dhan daboolay Faysal bal cid gambo ku darsatay ha sheego. Musharixiintii UCID ka soo bilaw bari