Ciidamada Liyuu Booliska oo Dad Reer Baadiya Ku Laayay Deegaanka Gaashaamo.

Gaashaamo( GNN)- Dagaal Ba an Ayaa Ku Dhex Maray  Shalayto Galinkii Danbe Tuulada Xaashi Cagoole Ee Deegaanka Gaashaamo  Ciidanka Itoobiya Ee Xasuuqa Gaysta Iyo Ciidan Beeleed Ka Soo Jeeda Tuulada  Xaashi Cagoole Ee Deegaankaasi  Gaashaamo  Ka Dib Markii Ciidanka Itoobiya Ay  Dhinaca Magaalada Danood  Kaga Soo Duuleen  Tuulada Xaashi Cagoole Isla Markaana Ciidanka Itoobiya Liyuu Booliska Loo Yaqaano  Ay  Doonaayeen Inay Qabsadaan Tuulada Xaashi Cagoole  Ayaa  Ciidan Beeleedka Tuulada Xaashi Cagoole Ay Jid Goyn Uga Galeen Duleedka Tuuladaasi Xaashi Cagoole  Oo Gaashaamo 25 KM. Dhinaca Hawdka Ka Xigta

Dagaalkan  Oo Shalayto Galinkii Danbe  Ka Dhacay Duleedka Tuulada Xaashi Cagoole Ayaa  Ilo Wareedyo  Lagu Kalsoon Yahay  Shabakada Gabiley.Net Ay Ugu Soo Waramayaan  In Ciidanka Itoobiya Ee Liyuu Booliska Ahi Iyagoo Wata  Laba Gaadhi  Oo Noocoodu  Yahay Kuwa Waaraadka Loo Yaqaan  Oo Kasoo Duulay Dhinaca Danood Ay Kala Kulmeen Dagaal  Lama Filaana Oo Jid Gooyo Ah. Duleedka Tuulada Xaashi Cagoole. Isla Markaana. Hal Gaadhi Iyo Ciidankii Saarnaaba Ay  Shuf Beeleen Halka Gaadhigii Kalana Faro Cidideed. Uu Kaga Fakaday. Ciidan Beeleedkaasi Jid Gooyada U Galay Waxaana Halkaasi. Ku Dhintay. Ugu Yaraan. 15 Askari Oo Ciidanka Itoobiya Ee Liyuu Booliska Loo Yaqaan Sagaal Kalena Ay Kaga Dhaawacmeen  Ciidankaasi Liyuu Booliska  Ee Dalka Itoobiya

Dhanka Kale :  Ciidamada Itoobiya Ee ka soo Qul qulaaya Dhinaca Jigjiga  Danood Iyo Awaare  Ayaa Lagu Soo Waramayaa. Inay. Dhamaan Tuulooyinka Deegaanka Gaashaamo. Ay Doonayaan Inay. Iskuweer Gaadh Ka Hayn Ah Ka Qabtaan. Halka Imikanba Ay. Ka Wereegsan Yihiin Tuulooyinka. Kala Ah Ina Nuur Muuse, Bali Midgaan ,Xaaji Diiriye, Shinbiraale, Caana Madoobe Laasaale,  Cilmi Dalamiye. Gaarboole  Iyo Tuulada Xaashi Cagoole Oo Iyadu Galabta. Dagaalkan Ba ani Ku Dhex Maray Ciidanka. Itoobiya Iyo Ciidan Beeleedka Tuuladaasi Degani. Halka. Tuulooyinka Aan Ciidanka Itoobiya Aanay Wali Gaadhina Ay Difaac. Iyo Jid Go,yn Ugu Sii Jiraan. Wadooyinka Duleedka Tuulo Kasta Oo Ka Tirsan Deegaankaasi Gaashaamo Si Ay Isaga Difaacan . Ciidamada Itoobiya. Ee Xasuuqaya Dadkeeda Shacabka Ah Ee  Maamulka Kililka Shanaad Gaar Ahaan Deegaanka Gaashaamo

Waxaa  Kale Oo Ay Ciidanka Itoopiya. La Baxeen Oo Qafaasheen Odayaal Tiro Badan Oo Ay Ka Mid Yihiin. Maxamed Faroole Iyo Ina Muxumed Cade Oo Galabta Ay Ka kala Qafaasheen Gaashaamo Gudaheeda Iyo Duleedka Tuulada Shinbiraale

Dhanka Kale. Waxaa Lagu Soo Waramayaa Dhimashadii. Xasuuqa Ee Tuulada. Jaamac Dubad Ay U Gaysteen Ciidanka Itoobiya Marba marka Ka Sii Danbaysa Ay Kor U Sii Kacayso  Oo Shalay Galabna Laga Heley. 14 Qof Oo Ay Ciidanka Liyuu Boolisku Ku Dileen. Baliga Daarood Ku Xaar Oo U Dhaxeeya. Tuulooyinka Dhanaan Godan Iyo Ina Nuur Muuse. Oo Gaashaamo Dhinaca Bariga. Ka Xiga. Ilaa. 45 KM  Tootalka Dadka Ciidankaasi Itoobiya Ay Xasuuqeen Ayaa  Hada Kor U Dhaafaya  Ilaa 56 Qof

Ugu Danbayn  Waxaa Shalayto  Galab . Abaare 5:30 Galabnimo Si Rasmiya Ay Dawlada Itoobiya U Goysay Isgaadhsiintii Deegaanka. Gaashaamo Oo Dhan

Isku Soo Wada Duuboo Dawlada Itoobiya Ayaa Ku Ceebaysan Xasuuqan Ay U Gaysatay. Dadkeeda Shacabka Ah Ee Kilka Shanaad Gaar Ahaan. Deegaanka Gaashaamo

Wixii Warar Ah Ee Soo Kordha. kala Soco. Shabakada Gabiley.Net.