Daawo: Xaflad lacag loogu ururinayo dhismaha 15 Qol oo loo dhisayo cisbitaalka Dhimirka Hargeysa oo ay 10,000 Pound Jaaliyadda Bristol ballanqaaday inay bixinayso

Ururka Somaliland Mental Health Support qaybtiisa Bristol ayaa waxay soo qaban qaabiyeen xaflad aad u balaadhan si qaadhaan loogu ururiyo dhismaha 15 Qol oo cisbitaalka Dhimirka Hargeysa loogu dhisayo si loogu xanaaneeyo dadka uu hadda cudurka dhimirku ku cusub yahay si aaanay u waxyeelayn dadkii hore ee ka ladnaaday ee cisbitaalka joogay.

Waxa xafladaa qaadhaan ururinta ah lagu ballan qaaday inay 10,000 (Toban kun) oo lacagta Ingiriiska Bristol bixin doonto ilaa Ramadaanta.

IMG_1501