HALKAN KA AKHRI MAGACYADA 22 MADAX-DHAQAMEED BEEN ABUUR AH OO IYAGOO MATELAYA SOMALILAND XULAYA BARLAMAANKA SOMALIYA

Hargaysa(GNN)Wargeyska geeska Africa waxa uu todobaadkii hore qorayay xogo uu helay oo sheegayay in dawlada somaliya magaalooyinka Somaliland ka daabulayso dad reer Somaliland ah oo ay ku sheegayso inay yihiin madax-dhaqameed balse ah rag been abuur ah oo loo sameeyey daroojin dhaqan oo aan jirin si ay u xulaan dad reer Somaliland ah oo doonaya inay ka mid noqdaan barlamanka somaliya.
Suldaanka ee guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo geeska Africa u waramay ayaa madaxwaynaha somaliya uga digay inuu bililiqo ku sameeyo madaxda dhaqanka Somaliland isla markaana uu sameeyo madax-dhaqameed aan jirin si uu ugu xalaalaysto danihiiisa siyaasadeed oo ay ugu ansixiyaan dadka uu doonayo inay kamid noqdaan baarlamaanka cusub somaliya si ay codka u siiyaan marka loo tartamayo jagada madaxwaynaha somaliya.

Waxuu kale oo suldaan Maxamed ugu baaqay hay’adaha amaaanka Somaliland inay indho gaar ah ku eegaan dadkaas oo ay talaabo ka qaadaa.

Hadaba waxaanu halkan idinku soo gudbinaynaaa 22 magac oo kamid ah ragaas uu madaxwaynaha somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ka urursaday magaalooyinka Somaliland,inkastoo ay qaarkood horeba usii joogeen magaalada muqdisho ee dalka somaliya.

Liskan oo aanay ku dhamayn beelaha Somaliland wax aka maqan beelaha Harti,waxaase ku dhan beelaha kale ee Somaliland,waana siyaasada kala furfurka ee dawlada somaliya ay ku hayso bulshada reer Somaliland.

Halkan hoose ka akhri magacyada iyo beelaha raga madax-dhaqameedka sheeganaya ee tagaya magaalada muqdisho.

Magacyada Beesha

Suldaan Xuseen Nuur Xirsi Samaroon Maxamed Case
Suldan Abiib Sh Maxamuud Samaroon Habar Cafaan
Suldaan Diiriye Geele Cali Samaroon Maxamed Case
Suldaan Maxamed Aadan Ashkir Samaroon Makaahiil
Suldaan Cabdiqani Cabdilaahi Maxamed Faad Isaaq/ Habaryoonis
Suldan Caydaruuus Saalax Ibrahin Isaaq/Habaryoonis
Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Bulbul Isaaaq/Habaryoonis
Caaqil Maxamed Aadan Cabdilaahi Ducaale Isaaq/Ciidagale
Xasan Maxamed Maax Isaaq/Ciidagale
Boqor Maxamed Jaamac Suldaan Cumar Isaaq/Habarjeclo
Suldaan Siciid Diiriye Maxamed Aw Aadan Isaaq/Habarjeclo
Suldaan Faarax Maxamuud Maxamed Buraale Isaaq/Habarjeclo
CabSuldaan Ibraahin Caraale Cabdalla Isaaq/Arab
W/Suldaan Cumar Cali Caraale Yuusuf Isaaq/Arab
Suldaan Cabdilaahi Yuusuf Xasan Isaaq/Habar Awal
Suldaan Maxamuud Haaruun Xasan Isaaq/Habar Awal
Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Maxamed Isaaq/Habar Awal
Suldaan Cali Cabdi Siciid guuleed Isaaq/Toljeclo
W/Caaqil Maxamuud Jaamac Boqore Ciise
Caaqil Maxamed Ibraahin Sahal Babdoon Ciise
W/Caaqil Faysal Boodhle Codaawe Ciise
W/Caaqil Xirsi Xaaji Gaboobe Ciise
Kuwaan waa raga loo cumaamaday inay noqdaan madax-dhaqameedka Somaliland

Gabiley.net