ISKU AADKA WAREEGA 16-KA EURO 2016 OO DHAMEYSTIRAN IYO WAQTIGA LA CIYAARAYO.

Paris(GNN)Waxaa soo dhamaaday xalay wareegii group-yada ee tartanka Koobka Qaramada Yurub, waxaana wareega xiga u soo gudbay 16 kooxood. Lix xul oo ku soo baxay kaalinta koowaad ee group-kooda, lix xul oo ku soo baxay kaalinta labaad ee group-kooda iyo afar xul oo noqday xulalka ugu dhibcaha fiican kooxaha kaalimada seddexaad oo kala ah Slovakia, Portugal, Republic of Ireland iyo Northern Ireland.

Is araga wareega 16ka waxaa ka soo baxay kulamo xiiso badan, laakiin sida haatan ka muuqata isku aadka xulalka Germany, France, England, Italy iyo Spain hal dhinac ayay wada xigaan sidaasi darteed midkood ayaa finalka soo gaaraya ama xulalka yaryar ee ku lamaanan.

Spain iyo Italy ayaa isku arkaya wareega 16ka, halka Germany iyo Slovakia ay isku soo aadeen, labadkii kooxood ee ka soo baxa wareega 16ka waxa ay wada ciyaari doonaan wareega 8da.

England waxa ay wareega 16ka la ciyaareysa xulka Iceland halka France ay la ciyaareyso xulka Republic of Ireland, labadii xul ee ka soo baxa afartaan xul ayaana isku arki doonaa wareega 8da.

Semi-finalka iyagana waxaa isku arkaya xulkii ka soo dhex baxa Spain, Italy, Germany iyo Slovakia iyo xulkiisa ka soo dhexbaxa England, France, Republic of Ireland iyo Iceland.

Dhanka kale Switzetzerland waxa ay wareega 16ka wajaheysaa xulka Poland, halka Croatia ay isla wareegaan isku arkayaan xulka Portugal. Labadii xul ee ka soo baxda afartaan kooxood ayaana isku arki doona wareega 8da.

Xulka Wales waxa ay wareega 16ka la ciyaari doonaan xulka Northern Ireland, halka xulka Hungary ay iyagana la ciyaari doonaan wareega 16ka xulka Belgium.

Semifinalka waxaa isku arki doona xulkii ka soo dhex baxa Switzerland, Poland, Croatia iyo Portugal iyo xulkiisa ka soo dhexbaxa Wales, Northern Ireland, Hungary iyo Belgium.

Maalmaha iyo waqtiga la ciyaarayo Wareega 16ka:

SABTIDA – 25ka bisha Juun

Switzerland v Poland ( Saint-Etteine) – 4pm Saacada Geeska Afrika

Wales v Northern Ireland (Paris) 7pm Saacada Geeska Afrika

Croatia v Portugal (Lens) – 10pm Saacada Geeska Afrika

AXAD – 26ka bisha Juun

France v Republic of Ireland ( Lyon) – 4pm Saacada Geeska Afrika

Germany v Slovakia ( Lille) – 7pm Saacada Geeska Afrika

Hungary v Belgium ( Toulouse) – 10pm Saacada Geeska Afrika

ISNIIN – 27ka bisha Juun

Italy v Spain ( Saint-Denis) – 7pm Saacada Geeska Afrika

England v Iceland ( Nice) – 10pm Saacada Geeska Afrika

Gabiley.net