MAAYARKA HARGAYSA OO BAAFINNAAYA DAD WAJI KU MACAASH AH OO KA DIFAACA FADDEEXADDII DHULKA WFP

Hargaysa(GNN):-Maayarka Caasimadda Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa baafinnaaya shaqsiyaad waji ku macaash ah oo ka difaaca faddeexadii ka dhalatay dhulkii danta guud ee la siiyay Hay’adda WFP oo ay si qarsoodiya uga iibiyeen Muwaadin reer Somaliland ah.
Saddexdii cisho ee la soo dhaafay waxa soo if-baxday Faddeexad culus oo dul hoganaysa Maayarka Caasimadda Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO) iyo Xubno Xildhibaano ah oo ka tirsan golaha deegaanka Hargaysa, kadib markii ay cadaatay inay iibiyeen dhul dan guud ah oo la siiyay Hay’adda WFP oo ku yaallay Xaafadda Masalaha koonfurreed ee Magaalada Hargeisa.

Waxa talaabadan ka biyo-diidday oo Darreen midaysan ka qaatay Guddiga Horumarinta beelaha Arab ee Af-garad, kuwaasoo sheegay inaanu Maayarka iyo Xulufaddiisu xaq u lahayn meel qof muwaadin ahi uu bixiyay oo Hay’adda WFP la siiyay inay si sharci-darro ah u iibiyaan, taasoo ay sheegeen inaanay aqbalayn arrinta noocaas ah ee foosha xun, waxaannay Maamulka Golaha Deegaanka ee Hargaysa dusha u saarreen boobka qaawan ee lagu hayo dhulka degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31-ka May, iyaddoo ay sheegeen inaanay qaadanayn in dhul dan guud ah oo degmooyinkaasi ku yaalla in shaqsiyaad koobani ka faa’iidaystaan, taasoo ay ku tilmaameen inay tahay dulmi iyo Sharci-darro.
Maayarka Caasimadda Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO), oo markii horeba shacabka degmooyinkaasi saluug badan ka qabeen qaabka uu u kala horaysiinnaayo Horumarinta degmooyinka Hargaysa, ayaa haddana waxa uu ku darsadday inuu Adduun badan siisto dhulkii danta guud ah ee laga jaray Muwaadiniinta deegaankaas ku nool, waxaannay arrintaasi abuurtay jawi cusub iyo dareen middaysan oo lagaga soo hor jeesannaayo Maayarka Caasimadda Hargaysa.

Markii uu dareenkaasi soo baxay ayaa Maayar SOLTELCO, iyo Xidhibaanno ka soo jeedda degmooyinka Axmed dhagax iyo 31-ka May, waxa ay ku hawlan yihiin abaabulka Shaqsiyaad waji ku Macaash ah oo u jawaaba guddigii Horumarinta deegaannadaas ee Afgarad.

Dhinaca kale, Dhalinyaradda iyo Aqoon-yahanka degmooyinkaas ayaa iyagunna go’aan diidmo ah ka qaatay iibinta dhulka danta guud ee Muwaadiniinta laga jaray, kuwaasoo loogu talo-galay in dhulkaas looga faa’iiddeeyo shacabka ku dhaqan deegaannadaas oo laaga dhiso goobo Waxbarasho, Caafimaad iyo Garoomo ay dhalinyaraddu sarre ugu qaado Xirfadda Ciyaaraha kala duwan, waxaannay sheegeen inaanay suurto-gal ahayn inay shaqsiyaad kooban ay go’aan ka gaadhaan Dhul dan guud ah oo Ummaddi wada leedahay.
Gabiley.net
Gabiley Office