Macallin Cabdi Askar Abokor oo Gabiley ku geeriyooday

Caaqil Mawliid Muuse Qoti oo degan magaalada Bristol wuxuu taci tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyskii, eheledii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Gobolka Gabiley isaga oo ka tacsiyadaynaya geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Macallin Cabdi Askar Abokor oo ku geeriyooday Magaalada Gabiley 27/06/2016.

Macalin Cabdi Askar Abokor wuxuu ahaa tiir dhexaad ka baxay bahda Waxbarashada, isagoo taariikh ma guurto ah ku lahaa dib-u-dhiska kaabayaasha waxbarashada ee Gobolka Gabiley iyo waliba xasilinta iyo nabadaynta shacbiga walaalaha ah ee Somaliland.

Waxaan Marxuumka Allah (SWTC) uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii, iyo qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Aamiin.