Waxa Nasiib-darro ah in Musuq-Maasuqii Dalku Xadhkaha goosto, Iyada oo Badi Dadwaynaha reer Somaliland ay ………..Axmed Maxamed Bookh (Isha)…

Ma Jirtaa Cid Uga Sarreysa Musuq-Maasuqa Hadheeyey Dalka Marwada Madaxwayne
Waxa Nasiib-darro ah in Musuq-Maasuqii Dalku Xadhkaha goosto, Iyada oo Badi Dadwaynaha reer Somaliland ay Farta ku hayaan, in ay Lunto kala danbayntii iyo Nidaamkii Dalka u yaalay, haday sidaa ku sii Socotana waxa gabi ahaanba Meesha ka bixi doona Cashuurtii Dalka Xaqa loogu lahaa, Maadaama, ay Jeeb Cid gaar ah ku dhacayso.

Waxan Maanta rabaa inaan Dadka reer Saaxil aan dib u xusuusiyo, Tan iyo Intii ay Somaliland Jirtay Guriga looga arrimiyo Talada Dalka ee Madaxtooyada, laga soo bilaabo Madaxwayne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ilaa Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin, Ilaa Xukuumadan hada ee Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo, Intaba reer Saaxil way dhex joogeen, haday Madaxwayne

Cigaal tahay, haday Madaxwayne Ku Xigenka Axmed yuusuf yaasiin tahay, iyo haday maanta oo ay Marwada Madaxwaynaha ay ku leeyihiin, intaba kamay maqnayn .
Madaxwayne Cigaal waa la yaqaanaa Dalka iyo Dadkaba waxa uu taray, iska daa wax kale oo Lacagtii ugu jirtey Qasnada Madaxtooyada waxa uu ku dardaarmay in Uu Qaranku leeyahay, oo aanay Qoyskiisu shaqo ku lahayn,
Axmed Yuusuf Yaasiin oo Madaxwayne ku xigeen ka ahaa Cahdigii Daahir Rayaale, waxa uu Bajadka loogu talo galay Gurigiisa ka Quudin jirey Masaakiinta Darbi-Jiifka ah, ee ku sugnaa Caasimada Hargaysa, oo Illaa hada aan ka bixin Quluubta Dadka Reer Hargaysa.

Halka Maanta oo Marwada Madaxwaynuhu ka joogto Aqalka Madaxtooyada, Waxa kirreysan Kursiga ugu sarreeya illaa Kursiga ugu hooseeya ee Dalka, iska daa Wax kaloo, Karraani ayaa Kiraysan, Waliba Dhaqanada Ugubka ku ah Dalka ee ku soo kordhay waxa ka mid Hablaha ku Xeeran Marwadu ay Mas’uuliyiintu Iyagu la soo hadlaan, oo ay ku yidhaahdaan, Annagaa kuu joogna ee Waxba haka baqan.

“Waxay Sheekadan Marwadu I Xasuusisay, Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada ee Xukuumadii Daahir Rayaale, AMP Cawil ayaa Isaga oo Golaha Wakiilada hor geeyey Miisaaniyad Sanadeedkii Xilliga ayaa waxa aad ugu qaylyey Xildhibaan Cumar San-wayne oo ka tirsana Golaha Wakiilada isaga oo waliba aan Cuskanayn Qodob Sharci oo la xidhiidha Miisaaniyada laga doodayo, Isaga oo Wasiirku uu duur Xulaya Xildhibaanku Qoyska uu ka soo jeedo doorka ay ku lahaayeen Talada Soomaaliyeed ee Garta Ina San-Wayne u geysta ahayd, ayaa waxa uu yidhi: “Ninka Reer San Wayne garanaya, Adigana Golahan kugu dhex arkaa halkii Reer San-Wayne u geysta la lahaa, hanoo gaynina ayuu Odhanaya”.
Aniga oo u soo dhaadhacaya Dulucda, Cida Maanta Madaxtooyada u matasha reer Saaxil, Isla Markaana Garanaya Taladii Cigaal, iyo Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu Odhanaya: “Ha Isoo Marinina Reer Saaxil ee Maanta Aamina Waris ku dhex arkaya Madaxtooyada”. Miyaanay ka dhignayn Raad Gorayo waa La Tirtirayo.

Axmed Maxamed Bookh (Isha)…
Gabiley Somaliland
ShareThis