DAAWO:Mujaahid Axmed Mire Oo Saaka Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Hargaysa.

Mujaahid oo shalay kasoo duulay magaalda London ayaa saaka xilli hore kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee Cigaal Intenational Airport.Waxana mujaahidka halkaais kusoo dhaweeyey boqolaal kamid bulshada casimada Hargeysa, cuqaal waxgarad, dhalinyaro haween iyo waliba qaar kamida halgamayaashii usoo dagaalamay dib u xoreynta dalka Somaliland.Mujaahid Axmed Mire ayaa bulshadii kusoo dhaweysay dalkiis hooyo uga mahadnaqay qabka loogu soo dhaweeyey isaga oo xusay inuu ad ugu faraxsan yahay inuu dib ugu soo laabto dalkiisa hooyo muddo badan kadib.