Musuq Maasuqa Xoghayaha Dawladda Hoose Ee Gabiley oo Noqday Mid Xadhkaha Goostay Iyo Cadaymo kashiftay Noocyada Uu Wax Isku Daba Mariyo?

Hargeisa(GNN):-Intiinii la socotay waxay hore usoo bandhigay dhaliilaha iyo warbixino bedka soo dhigtay   madmadow iyo wax is daba marin k Xoghayaha fulinta ee Dawladda hoose ee Gabiley, cabdiraxmaan Abokor oo   mudadii uu  xilka hayay ay shaqada ku soo mareen shan maayar

“Xoghaya dawlada hoose ee gabiley Cabdiraxmaan Nuur abokor ayaa xilka xoghayenimo loo magacaabay horaantii sanadkii 2011 isagoo xiligaa ahaa darawalka maayar kuxigeenkii xiligaa ee golaha deegaanka gabiley. Xoghayaha  fulinta ee dawladda hoose ee Gabiley oo sharci ahaan xukuumadda dhexe ee Somaliland uga wakiil ah golaha deegaanka ee Gabiley waa masuulkii ugu cimriga dheeraa ee soo mara xilka hadda uu hayo ee dawladda hoose ee Gabiley, warbixinteenan ayay ku eegi doonaa doorka uu ku leeyahay musuq maasuqga baahsan ee ragaadiyay degmada gabiley iyo kuwa oo sita toos ka ah xiligan wax isku dabadamariyay. hadaba xoghaye cabdiraxmaan w ay warbixintani ku xidhiidhisay in uu lunsaday  gaadhi loogu talo galay in loo iibiyo dawlada hoose ee gabiley kaasi oo ku jiray miisaaniyadii sanadkan  gaar ahaan waaxda qorshaynta  qadarka lacageed oo loogu talo galay in gaadhi loogu soo iibiyo waaxda qorshaynta dawlada hoose ee Gabiley ayaa dhanayn 35milyan. Xoghayaha dawlada hoose gabiley ayaa sameeyay qorshe uu isagu lacagtaa u lunsado isagoo gaadhi uu markii hore gaar ulahaa  lambarkiisuna yahay 58474 noociisuna hayay CROWN uuna watay mudo sedex sano ah ayuu  ka iibiyay isla dawlada hoose  halka badalkeediina uu qasnada dawlada laka baxay lacagtii loogu talo galay in gaadhi logu iibiyo waaxda aynu kor kuso xusnay.

 


gaadhiga xoghayaha 1

GAADHIGA XOGHAYAHA 2

sidoo kale xoghaye cabdiraxmaan wuxuu guud ahaanba baal maray sifaha ay dawladu wax ku iibsado iyo in lasameeyo wax bind ah shacabka loo sheego in dawlada hoose ee gabiley u baahan tahay gaadhi noocaasa qiimihiisuna yahay intaa balse waxaa iswaydiinle mee Hanti dhawrkii qaranku? maayarka dawlaha deeganku maxay tahay shaqadiisu door intee leeg ayuu ku leeyahay dhacadan waxaynu u dhaafaynaa shacabka.

_xoghaye

Musuq Maasuqa Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Gabiley Intaasi Uun Kuma Koobna dhawaan ayay ahayd markii shacabkii ay abaaruhu saameeyeen logu deeqday aduun loogu talo galay in loogu qado beraha kaasi oo gaadhay  deegaanka gabiley lacag dhan 4o,ooo kun oo dollar qorshan beera qodista ayaa laysla gartay in gaadiidka  cagafyada dawlada hoose ee gabiley fuliyaan beero qodista lagana kiraysto.  Cagafyadii dawlada hoose way bilaan beero qodistii shidaalka iyo kharashka  ay hawshan kusocotay waxaa si caadiya u bixinaysan dawlada hoose un halka aanay jirin lacagtii loogu talo galay hawshan meesha ay ku baxday sidoo kale aanay jirin wax cadyna oo sheegay in lagu shubay qasnada dawlada hoose balse xogahan ayaa tibaaxay in lacatiisu xogayaha si toosa uu u isticmaalay Xoghaye cabdiraxmaan musuq maasuq iyo wax isbada marinta uu xiligan kuma jooga ee wuxu si toosa u bilaabay in cida uu u arko in ay wax diidan tahay ee kamida shaqaalaha dawlada hoose uu si badheedha shaqada uga caydhiyo sidoo kale qorshaha xogahaya ayaa xiligan u muuqda kuwo uu ku ugaadhsanyo haybta uu uha shikiyo in  madac kaga jiro kursigiisa uu iyagana gabi ahaanba uga caydhiyo shaqaalaha dawladda hoose taasi oo ay ugu danbaysay afar qof oo isku hayb ah  oo uu mar qudha shaqada kawada caydhiyay si cunsuriyadaysan,   Balse dhacdadaasi ayaa   xiligan magaalada gabiley ka abuurtay dhaqdhaqaaqyo looga cabsi qabo in ay aburaan kacdoono Aan dagin.

LASOCO DADKEENA DANBE