Shan Weriye Oo Ka Hawl Galila Gobolka Gabiley Oo Ay Af-Duubteen Ciidamada Liyuu Police Ee DDS Itoobiya

Xadhiga Wariyayaashan ayaa ka danbeeyey ka dib markii ay qaar ka mid ah madaxda Dawlad Deegaanka Soomalida Dalka Itoobiya ay xidhiidh la soo sameeyeen Warbaahinta Madaxa Banaan kuwaasi oo ku war galiyey in ay doonayaan in ay soo tabiyaan warka Suldaan ay sheegeen ay lagu caleemo saari doono dhulka Dawlad Deegaanka Somalida Dalkaasi,

Waxaana Dhamaanba Wariyayaashaasi laga qaaday Magaalada wajaale iyada oo sida Wararkii ugu danbeeyey ee ka soo baxaya aya sheegayaan in habeenkii xalay ahaa ay ku haydeen Magaalada Jig Jiga ee Xarunta Dawlad Deegaanka Somalida Itooboiya.

Iyada oo Shantan Wariye Afar ka mid ah la dajiyey Huteel lagu Magacaabo City Crown Halka Wariyihii HCTv loo dhaadhiciyey mid ka mid ah Jeelasha ku yaala Magaalada Jiga jiga,

Ilaa haatan wali kamay soo bixin war cad balse wararka qaar ayaa sheegaya in ujeedka ay Dawlada Cabdi Iiley ay ahayd sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa Wariyaha HCTV .

Iyada oo maalmahii ugu danbeeyey uu si wayn u qaadaa dhigayay Tvga HCTV Dhacdadii Xasuuqa ahaa ee Ciidanka Liyuu Boolisku ka gaysteen Deegaanka Gaashaamo.

Magacyada Wariyayaasha maqan

1-Mukhtaar nuuh Ibraahim HcTv

2-Caydaruus axmed ismacil qadiye Universal Tv

3-Cilmi maxamed jamac—Star Tv

4-Muxiyadiin Maxamed Dahir Tvga qaranka

5-Ayaanle Bulsho Tv

Balse Ilo Wareedyo Laysku Halayn Karo Ayaa Sheegaya In Afar Weriye Oo Ka Mid Ahaa Weriyayaashan Loo Soo Celiyay Xoriyadoodii Halka La Sheegay In Lala Hadhay Weriyihii Horn Cable Tv Ugu Soo Warami Jiray Gobolka Gebilay