SIDAY WAX UGA JIRAAN HADALHEYNTA SAADAASHA ISKU SHAANDHAYN IYO XILKA QAADIS KHATIN U AH XUKUUMADA (FAALLO)

Hargeysa(GNN)-Tan iyo intii lagu guda jirey bisha barakeysan ee Ramadaan habeenadii u dambeeyay waxa ay bulshada Somaliland gaar ahaana kuwa mudooyinkan dambe sida aadka isha ugu haya ama falanqeeya dabayaaqada Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo isabadelada isbadelada Siyaasadeed ee soo waajahay iyo isku shaandhayn dhinaca Golaha Xukuumada ah oo ay carabka ku badinayeen indhawaale waxa ka muuqda in saadaashani siweyn ay ugu kala aragti duwan yihiin Bulshadu fikradaha ay ka aaminsan yihiin isbadel lagu sameeyo wakhti xaadirkan Xukuumada iyo sida ay saadaasha ugu kala aadiyeen.

siitaan

Inkastoo aragtida asal ahaanba ku sahabsan isku shaandhayn lagu samaynayo Golaha Xukuumada ee hadalheynta dadweynaha ee mala awaalka ahi fikirado kala duwan ay dadku ku kala aaminsan yihiin oo lagu kala aragti duwan yahey naawilaadeedu ha ubadnaadaan Kooxda taageerayaasha Xisbiga Kulmiye oo ay sigaar ah ugu mudan tahey hadana waxa taa daba socda in la xaqiiqeynayo talaabada khatinka usha lagula dhex galayo xeyndaabka Golaha Xukuumada iyadoo fikradaha u badan kooxaha Xisbiga Kulmiye taageera wakhti xaadirkani waxa ay fikradahooda ku sahabsan talaabadan la sahadinayo ku sheegayaan in isku shaandhayn la sameynayaa jirto taas, loo badinayo in ay saamayn kuyeelan doonto Wasiiro shilis oo Golaha Xukuumada kamid ah khusuusana raga imika loo tuhmo in ay saamayn taban iyo mid toganba ku leeyihiin sida Maxamuud Xaashi(Wasiirka Madaxtooyada) oo la sheegay in uu hore u horjoogsadey codsiyo isku shaandhayn lagu sameeyo Xukuumada oo Gudoomiyaha Kulmiye fikir kusoo jeediyay haseyeeshee,waxa amuurtan lagu ladhey in Qasriga Madaxtooyadu(cida ugu awooda badan xiligan,ee gacanta go,aanku ugu jiro) go,aan adag ka qaadatey in isku shaandhayntan loo badinayo in Golaha Xukuumada loo badiyo fikirkii Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi,ee codsiyadiisii hore sida ay hadalkooda ku laqimayaan dad badan oo isaga taageersani.
Sidoo kale waxa iyaguna aragtiyo taa ka duwan qaba dad badan oo lasocda Syaasada wakhti xaadirkan ee Xukuumada Siilaanyo kuwaas oo ayidsan in aaney isku shaandheyn culus ama mug lihi jirin balse hadii ay timaado aaney ka badnaan doonin sidii kir dhexe(wakhtiyadii iscasilaada ka dambeysay) ay u badneyd sidaa darteedna dadka fikirkan aaminsani waxey meesha ka saareen in qasriga Madaxtooyadu laaleen guud ahaanba tuhuntii Maxamuud Xaashi (Wasiirka Madaxtooyada),iyo waliba fikirkii uu ku qanciyay hogaanka Kulmiye in aanay munaasib aheyn in Xukuumada isku shaandhayn culus lagu sameeyo xiliga laguda-jiro,uu wali halkiisii taagan yahey.

Gabagabadii inkastoo ay hadaba jiraan isbadelo duruufeed iyo mid daneed oo kusoo aadey Xukuumada iyo Xisbi Xaakimka Kulmiye labadaba ha ubadnaadeen arimaha Dekedda Berbera iyo kala faq Siyaasadeed oo kale waxa lahadalhayaaba waa hadalhaynta iyo dhinaca ay isugu biyo shubato hadii ay timaado.
Gabiley.net