Siyaasi Aadan Wali Oo Ku Sugan Dalka Maraykanka ayaa Hanbalyo Iyo Bogaadin U Diray Gudomiyaha Cusub Ee Losoo Magacaabay Togwajaale Mr Aadan Shiine

MINNESOTA(GNN) Siyaasi Aadan Maxamed xaaji (Aadan wali) Oo Ah Siyaasiyiinta Dada Yar Ee Reer Somaliland Kuna Sugan Maraykanka Gaar ahaana Minnesota Ayaa Soo Dhaweeyay Magacaabista Markale Ay Wasaarada Arimaha Guduhu Usoo Magacawday In Aadan Muuse Cilmi (Mr Aadan shiine ) Ahaado Gudomiyaha Cusub Ee Magaalo Ganacsiyeeda Somaliland Ee Togwajaale
Waxanu Siyaasi Aadan wali Hadalkiisa Ku Bilaabay sidan Anigoo ah Aadan maxamed xaaji Waxan Halkan Uga mahad Celinayaa Allah subxanahu watacalaye mahada Ilahay Ka sokow waxan Mahad celin iyo Hanbalyo U Dirayaa Wasiirka wasaarada Arimaha Gudaha somaliland Ee Gartay in Uu Markale Soo Magacabo Gudomiyaha Togwajaale Mr Aadan shiine Oo ah Nin Daacad ah Oo Wax Ka aranaya Shaqada Uu U Hayo Umada Waxanan Ugu Ducaynayaa Gudomiyaha Cusub Ee Wajaale In Ilahay Xalkasi Ku Asturo AnigoKu Kalson Inuu Waxbadan Qaban Doono Oo Aan Xilkasi Loga Warwaraynin mr Aadan muuse cilmi (Mr Aadan shiine )

Siyaasi Aadan wali Waxa Uu Sheegay In Mr shiine Uu Yahay Nin Kasoo Bixi Kara Xilkasi Loo Igmaday Isagoo Carabka Ku Dhuftay In Uu Hore Xilkani Usoo Qabtay (Mr Aadan shiine ) Kana Soo Baxay Xilkasi Waxqabad Muuqdana Ka Sameeyay Magaalo Xuduudedka Togwajaale
Balse ay Dad Dano Gaar ah Leh ay Caqabad Ku Noqdeen Habsamo Usocodka Hawlihii Uu Waday Aadan shiine Taasina ay Sababtay In Been Abuur Laga Sameeyo Oo Uu Xilkiisii Ku Waayo Balse Wakhtigani Uu Iftiimay Xaqii Oo la Ogaaday In Aadan muuse Cilmi Uu Yahay Nin Daacad Ka Ah Xilkii Uu Hayay islamarkasina Aanay Marnaba ka Maarmaynin Bulshada Reer Wajaale Waxqabadkii Iyo Hogaamintii Subanayd Ee Gudomiye Nimo
Siyaasi (Aadan wali) Oo Hadilkiisa Sii Wata ayaa Xusay In Gudomiye Aadan shiine Uu Waxbadan ka Qabtay Togwajaale Markii Hore Ee Uu Xilkasi Hayay waxanu Yidhi Aadan wali Gudomiye Shiine waa Nin Aan Loga warwaraynin Xilkasi Isagoo Wakhtigii Uu Xilkasi Hayay Wax Badan Ka Qabtay Adeegyada Arimaha Bulshada Waxanan Isla Wakhtigani Filayaa In Halkii Kasii wadi Doono Hawlihii Horumarined Ee Uu U Hayay Shacbiga Reer Wajaale
Siyaasi Aada wali Oo Hadalkiisa Sii wata ayaa Tilmaamay In Gudomiyaha Cusub Ee Wajaale Losoo Magacabay Mr Aadan Muuse Cilmi Aanu Ahayn Nin Togwajaale Ka shaqaysanaya Oo Hanti Uruursi U Yimiday Balse waa Nin U Shaqaynaya Bulshada Oo Jecel Horumarka Iyo waxwada Qabsiga Reer wajaale Mana Aha Nin Lagu Xaman Karo Qabyaalad Iyo Kala Qaybinta Dadka Reer wajaale Balse waa Nin Ku Caan ah Midaynta Bulshada Oo U Taagan Inuu Wax U Qabto Dadkiisa Iyo Dalkiisa
Siyaasi Aadan wali waxa Uu Fariin U Diray Bulshada Kunol Magaalo Ganacsiyeda Togwajaale waxanu Yidhi Waxaan Bulshada Reer Wajaale Kula Dardaarmayaa Inay Gartaan Hormarka Iyo Waxwada Qabsiga Anigoo Ka Codsanaya Inay La shaqeeyan Gudomiyaha Cusub Ee Markale Nasiibku siiyay Oo Ahaa Nin Jecel Hormarinta Togwajaale Iyo waxqabadka Dadkiisa
Kolayba Bulshada Reer Wajaale Intoda Badan waa Dad Xadaariya Oo Jecel Horumarinta Iyo Waxwada Qabsiga Oo Hore Ula soo Shaqeeyay Gudomiyaha Hadana Loga Fadhiyo Inay Sidii Iyo Si Kasii Wanaagsanba Ula Shaqeeyan mr shiine Oo Ay Meel Uga soo wada Jeedsadan Inta Jecel Boobka Iyo Kala Ta Faraaruqa Umada Wajaale waxanan Odhan Lahaa gacan Bir ah iskaga Qabta Dadka Waji Kumacaashka ah ee Kolba Ninka Wax Idiin Qabanaya Kasoo Horjeeda Ee Doonaya Hantida Umada Inay Cunaan
waxan kusoo Gaba Gabaynayaa inaan Xilka Ugu Duceyo Gudomiyaha Cusub Aadan Muuse Cilmi Oo Aan Leyahay Ilahay Xaqa Hakugu garab Galo Oo Noqo Kii Umadiisa Si Daacad ah Ugu Adeega Waxanan Kula Talinayaa inuu Halkii kasii wado Hormarka Iyo Waxqabadka Bulshada Reer Wajaale

Gabiley.Net

Office Gabiley