WARSAXAAFADEED KU SAASABSAN SOCDAALKA SAMAWADE YURUB OO KASOO BAXAY XISBIGA WADDANI EE QAARADDA YURUNB

Sabtidii Todobaadkii hore oo ku Taariikhaysnaa 18/06/2016 waxa Dalka Sweden ka dhacay Shir Taariikhiya oo aan ugu Magacdarnay Socdaalkii Samawade Yurub,iyada

Warsaxaafadeed Ku Saasabsan Socdaalka Samawade Yurub oo Kasoo Baxay Xisbiga Waddani ee Qaaradda Yurunb.

Xisbiga Waddani Qaaradda Yurub ayaa warsaxaafeed ay kasoo saareen Shirkii Balaadhnaa ee dhawaan ka dhacay Dalka Sweden waxa ay kaga hadleen qaabkii uu dhacay iyo Waxyaabihii lagaga wada hadlay iyo guud ahaan sidii uu shirkaasi u dhacay,waxa uu dhidhnaa isaga oo dhamays tiran sida tan:-.

Sabtidii Todobaadkii hore oo ku Taariikhaysnaa 18/06/2016 waxa Dalka Sweden ka dhacay Shir Taariikhiya oo aan ugu Magacdarnay Socdaalkii Samawade Yurub,iyada oo Shirkaa Nagala soo qaybgalay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Islma Markaana ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi iyo Masuuliyiin Sarsare oo ka mid ah Xisbiga Waddani.

Waxa Xusid Mudan in Shirkaa ay kasoo qayb galeen Badiba Waddamada Qaaradda Yurub Gudoomiyayaashooda oo ka kala yimi sida Holland,UK,Germany,Austria,Finland iyo France iyada oo ay dhamaan gudoomiyayaasha wahelinayeen Xubnaha Gudiyadoodu, Taasina waa ta ka dhigtay shirkaa ama kulankaa Samawade ee Qaaradda Yurub shirkii ugu Balaadhnaa ee Xisbiga Waddani uu ku qabsado Qaaradda Yurub.
Waxa kale oo iyaduna Guul usoo hoyatay ahayd Dhamaan shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland Kulamadii wax ku oolka ahaa ee Gudoomiyaha Baarlamaanku la qaatay Masuuliyiinta Baarlamaanka,Xisbiyadda iyo Xukuumadda Sweden la qaata, kuladaas oo dhamaantood ay ka soo baxeen guulo wax ku ool ah oo kor u qaadaya isla Markaana Xoojinaya Xidhiidhka labada Dal.

Gabagabadii waxa aan la socodsiinaynaa dhamaan laamaha Qaaradda Yurub in ay Dardar galiyaan hawl maalmeedka shaqada Xusbiga,kuna dadaalaan Xoojinta iyo adkaynta midnimada Xisbiga,inaga oo la socona in Doorashadii ay muddo Halsano ahi inaga Xigto.
Xoghayana Guud ee Qaaradda Yurub.

Khaalid Xasan X.Diiriye.