25 SANO KA DIB BEESHA DHEXE WAA INAY U HURTA KURAASTA 4 WASIIR 2 WASIIR XIGEEN IYO 12 XILDHIBAAN

25 sano ka dib waa inay beesha dhexe u hurta kuraasta beelaha reer sheekh Muuse dheriye 4 Wasiir 2 wasiir ku xigeen iyo 12 xildhibaan si Citiraaf loo helo hadii kale waxaynu noqonayna maamul goboleed beeli leedahay oo la mid ah kuwa Somalia

Waa waajib Diini ah oo Ilaahay inagala xisaabtami doono dhismaha Dowlad loo dhan yahay oo dhamaan Beelaha degan Somaliland ay ka muuqdaan iyo mushtamaca Somaliland Guud ahaan

Maamulka iyo dowlada Guud ahaan waa inay codkooda ku leeyihiin iyo wakiiladooda representatives dhamaan beelaha wadanka degaa iyo noocyada Gender ama cunsurka Labka iyo Dhediga ee nooluhu ka kooban yahay

25kii sano ee hore Somaliland waxa sawirkeeda iyo nidaamkeeda dowladnimo foolxumo ku ahaa Qabyada ka muuqata nidaamka Dowladeed ee Beelaha Qaar buux dhaafiyeen Xukuumad ( golaha wasiirada ) iyo Parlamaanka iyo Guurtida halka beelaha qaar ka madhan yihiin oo dibada ka joogaan nidaamka Dowladeed ee wadanka ee ususkiisu yahay Saami Qaybsi beeleed ( power sharing )

Waxan si gaara u xusaya beelaha Muuse dheriye oo mushtamaca Somaliland Qayb mihiima ka ah taariikh weyna ku leh Somaliland ayaan 25kii sano ee tegay aan ka muuqan Institutions ka Somaliland iyadoo beeshaasi mihiim u tahay raacdada iyo baadi goobka ay Somaliland ugu jirto Aqoonsiga ama Citiraafka Dowladnimo ee baahida ay qabaan reer Somaliland

Waxa hanti u ah Shacabka Somaliland oo ay ku iib gaynayaan Gooni isu taagooda Dulmigii iyo Dhibaatadii ka soo gaadhay midnimadii labadii Wadan ee midoobay ee Koonfur iyo Waqooyi hadaba qiil u helimayso Somaliland citiraaf ay hesho iyadoo beelo ka mid ah Somaliland maanta ay ka cabanayaan dulmigii iyo cadaalad daradii shalay Qaybo ka mid ah mushtamaca Somaliland ay kala kulmeen midnimadii Somalia

Beelaha Muuse dheriye doorashada soo socota iyo dhismaha xukuumada ee la filayo doorashada ka dib waa inay ka helaan saami u qalma oo waafi ah oo barlamaan iyo wasiiraba leh oo Qurux ku soo kordhiya Image sawirka caalamku ka haysto Somaliland oo badhitaaraya Qadiyada citiraaf doonka ah ee umadan Qiimaha weyn ugu fadhida

Laba wasiir iyo laba wasiir ku xigeen iyo 12 xildhibaan oo parlamaanka ah oo la siiyo beelaha Muuse dheriye waxay ku soo kordhinaysa haybada iyo nidaamka dowlada Somaliland wax weyn oo Qiimo badan saamigaas yar ee kooban hadii la siiyo waxa ka mug weyn Qiimaha iyo Quruxda ay ku soo kordhinayso Somaliland iyo sida ay u badhitaarayso mashruuca citiraaf doonka oo Qiimo weyn ugu fadhiya umadan

Citiraaf doonka Somaliland iyo Dowlad ka kooban Isaaq Samaroon iyo Harti oo keliya iyadoo ay jiraan beelo reer Somaliland ah oo maamulka iyo Dowladnimada Somaliland dibada ka joogaa oo aan waxba ku lahayn Golayaasha maamulka dowlada sidee bay umadan reer Somaliland ku gaadhaysa hadafkii iyo himiladii Somaliland ee ahaa Dowlad Citiraaf ka hesha Caalamka oo buuxisa Qawaaniinta iyo sharciyada Aduunka u yaal ee asaaska u ah dowladnimada oo ay kow ka tahay dowlad wadaag ama dowlad loo dhan yahay

Hadii aanay garawsan Siyaasiyiinta iyo madaxda Somaliland qiimaha ay leedahay dowlad loo dhan yahay iyo mihiimada ay ugu fadhido Citiraafka iyo Cadaalada Dowladnimo ee Somaliland gudaheeda la rabo inay ka jirto oo aanay hurin kuraasta iyo madaxtinimada beesha dhexe isku taxday hadii ay tahay wasiiro iyo hadii ay tahay parlamaanba oo aan loo hurin wax badan beelaha wallaalahood ah ee reer Somaliland si loo gaadho hadafkii umada reer Somaliland ee ah Dowlad ka mid ah wadamada aduunka oo madax banaan oo dhamaan ay wada mahadiyaan beeluhu iyo umada Somaliland Guud ahaan oo cadaalada iyo wada lahaansho ku dhisan

Beesha Muuse dheriye waxay ugu fadhidaa Qiimo weyn Somaliland iyo beesha caalamka sababtoo ah waa beesha indhaha Caalamku ku eegayaan Cadaalada iyo Wada lahaanshaha Dowladnimo ee ka jirta maanta Somaliland ee ay ku kasban karto Citiraaf iyo ka run sheegista cadaalada umada reer Somaliland u baahi qabto ka dib dulmigii ay kala kulmeen berigaa hore midnimadii Somalia

Sidaas oo kale waxa aan dowlada iyo bulshada Somaliland uga digaya inay ogaadan magacyada foosha xun ee ay adeegsadaan niman madax dhaqameed sheegta inay xadgudub ku tahay Isirka sharafta iyo milgaha beelaha Muuse dheriye oo ka mid ah beelaha Direed ama Dir Group oo si aan xilkasnimo lahayn u adeeggsadaan niman cumaamado sitaa iyagoo dano khaasa oo naftooda aan dhaafsiisnayn ka leh

Dhawrista milgaha iyo sharafta beeluhu waa Qayb ka mid ah dowlad wanaaga iyo dhaqanka wanaagsan ee nolosha mushtamaca waa in laga xaaram timeeya magacyada xun xun ee beelaha qaar loogu yeedho oo ceeb ku ah dowladnimada Somaliland iyo xataa Citiraafka aynu doonayno magacyadaas oo aan xataa ka jirin wadankii Somalia ee dhibaatada iyo fawdadu ka jirto magacyadaas waxa ka mid ah

Dadka la hayb sooco
Dadka laga tiro badan yahay
Gabooye
Midgaan

Nimanka magacyadaas wataa waxay ka been sheegayaan magacyadaas ay sheeganayaan sidaas oo kale waxay carqalad ku yihiin Citiraafka iyo Aqoonsiga aynu baadi doonka ugu jirno iyagoo sawir xun ka bixinaya dowlada iyo shacabka Somaliland oo aan turxaanta lahayn

Wa salaamu calaykum

Pro. Zakariye Haji Mall Osman
Santiago California
U S A

*********************************************************************
Gabileynews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Gabileynews dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga