DAGAAL SAAKA DIB UGA BILOWDAY JUBA

Juba(GNN)Howlgalka Qaramada Midoobay ee dalka South Sudan ayaa sheegay in saaka uu dagaal culus ka bilowday caasimadda Juba.

Rasaas xooggan ayaa lagu soo warramayaa in ay ka dhacayso meel u dhow xarunta Qaramada Midoobay ee Juba.

Maalmihii lasoo dhaafay, dad ka badan boqol qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen caasimadda, ka dib iska hor imaadyo dhex maray ciidammo kala taageersan madaxweyne Salva Kiir iyo ku xigeenkiisa Riek Machar.

Labada mas’uul ayaa ku baaqay in xaaladda la dejiyo.

Colaadda dib uga bilaabatay South Sudan ayaa kusoo beegmaysa xilli shalay uu dalkaasi shan sano jirsaday.

sourec BBC