Erdogaan Waa Hogaamiye Adkaysi Badan Mutaystayna In Ay Ku Daydaan Madaxdeenu Si Ay Hogaamintoodu U Wanaagsanaato,Q:3aad

Casharada Laga Baranayo Erdogaan

1 : Hoggaanka Siyaasigaa Ee Guusha Hanan Kara Waxaa Lagama Maarmaan Ah Inuu Kasban Karo Jacaylka Shacabkiisa, Xagga Shakhsiyadiisa, Tilmaamihiisa, Shaqadiisa Iyo Maamulkiisa. Waana Midda Uu Ku Guulaystey Recep Tayyib Erdogan, Kana Dhigtay Siyaasiga Shacbiga Turkigu Ugu Jecelyahay Mudda Dheerna Soo Marin Taageeradaas Oo Kale, Wexeyna Isku Waafaqeen Inuu Ballanta Uu Qaado Inuu Kasoo Boxo.

2. Taagerada Shacbiga Waxaa Lagu Heli Karaa Adeegyada Bulshada Oo La Xoojiyo, Wax Barashadooda, Caafimaadkooda, Shaqooyinkooda Iwm

3. Hoggaanka Qiimaha Shacabkiisa U Lihi Waa Inuu Ilaaliyo Himilooyinka Dadkiisa, Lana Socdo Dareenkooda.

4.Hoggaamiyuhu Ma’aha Inuu Wax Walba Yaqaan, Laakiin Waxaa Muhiima Siduu Dadka Ugu Shaqaysto.

Erdogaantacliintiisu Heer Jaamacad Ma Dhaafin Master Luqad Aan
Turkiga Ahayna Kuma Hadlo, Laakiin Wuxuu Hareeraha Iska Dhigay Aqoon Yahano .

Wasiirkasta Iyo Lataliye Kasta Wasaarada Uu U Dhiibayo Waa Inuu Takhasuskiisa Jaamacadeed Ku Sooqaatay ,Kana Sameeyey Shahaadada Master Ama Phd .

Hadii Wasiir Loo Dhiibayo Tusaale Ahaan Wasaarada Arrimaha Bulshada Waa Inuu Aqoontiisii Jaamacadeed Ku Soo Qaatay Waxa Loo Yaqaano Social Studies { Cilmiga Bulshada} ,

Taasina Waxa Ay Ka Caawisay In Wasiir Kastaa Shaqadiisa Ka Soobaxo .

Tusaale Ahaan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Waxa Weeye Nin Loo Yaqaan Efkan Ala,

Isagoo Culuumta Siyaasada Ka Bartay Istabul University .

Dabadeeto Waxa Uu U Baxay Engiriiska Xalkaas Oo Uu Takhasus Ku Soo Sameeyey.

Erdogaan Isku Kalsoonidiisa Ayaa Siisay Inaanu Dhib U Arag Iney Ka Hoos Shaqeeyaan Rag Isaga Ka Shahaadooyin Culus, Ka Aqoon Badan, Luqadaha Ka Yaqaan.

Waaya Aragnimo Ka Badan. Meesha Hoggaamiyayaal Ay Ku Hoogeen Dadkooda Iyo Dalalkoodu Aanay U Dul Qaadan Karin Nin Iyaga Hadal Kula Dhiirran Kara, Ama Ay Is Leeyihiin Waa Kaa Caqli Badan Yahay.

Dabadeedna Ay Urursadaan Hal Dhaclaha Aqoon Yahanka Iyo Kuwa Ugu Liita Oo Meel Ay Shaqa Ka Helaan Waayey, Dabadeedna Ay Isla Dumaan.

Su,Aashu Waxa Weeye Wasiiradeena Marka Uu Madaxweynuhu

Magacaabayo Muxuu Ku Doortaa Ma Aqoon, Ma Reernimo

W/Q Axmed Xuseen Ibraahin Laso qaybta 4aad

axmed <axmedbc@hotmail.com

*********************************************************************

Gabileynews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Gabiley.net dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga