Gudoomiyaha baanka soomaaliland muxuu ka og yahay lacagta deynta ah ee kaga maqan dowlda hoose ee gabiey

Gabiley(GNN) iyadoo indhaweydba lagaga hadlayey warbaahinta dalka somaliland heerka musuq maasuqa dalku gaadhey taasoo baaqyo kala duduwan loo soo jeediyey xukuumada somaliland ee u hogaaminayo madaxweyne siilaayo iyadoo ilaa hada wax jawaab ah laga heynin sidoo kale waxa ilaa hada barbar socda tabista ay bulshadu tabayso halka uu ku danbeyey hanti dhowrkii qaranku iyadoo galaha wakiiladana looga fadhiyo sababta ilaa hada loogu yeedhi laayahay hanti dhowrka qaranka si wax looga weydiiyo xaalada dalku ku sugan yahay .

rr

hadaba gobolka gabiley oo lagu tiriyo gobolada dalka ugu dhaqaalaha badan ayaan ilaa hada la garaneyn meesha ay haantu ka tolmi laadahay, iyadoo wakhti xaadirkan lacagtii ugu badneyd baanka gabiley ku leeyahay dowlada hoose ee gabiley iyada oo aanay xiligan jirin mashaariic dhamaatey iyo tu ka socota midna, tasoo dadka badan kiisiisu u arkaan in meel kale looga gacan haadinayo,hadaba mareegta sadex xagalka hanti boobka baanka gabiley,xubnaha haweenka ku maxaafsada magaca madaxtooyada iyo maamulka dagmada halkuu sal dhigan doonaa,.

dhanka kale marka loo eego door intee le,eg ayayku leedahay wasaarada daakhiligu iyo gudoomiyaha guud ee baanku iyadoo ay isu milmeen laantii baanka gabiley iyo dowladii hoose, iyadoo fudeydinta hanti boobka uu door laxaad le ku leeyahay gudoomiyaha baanka laanta gabiley.hadaba guntii iyo gaba gabadii waxaan gudoomiyaha baanka soomaliland laga sugaya inuu jawaab cad ka soo bixiyo ,hadii kale waxa meesha ka baxay kalsoonidii ay dadku qabeen in ay hantidooda ku keydsadaan,hadii arimahan sii socdaana waxa meesha ka bixi doona adeegii maalinlaha ahaa ee dowlada hoose wakiilka uga aheyd bulshada lasoco….. cadadka danbe.

ALLAAH MAHAD LEH
Axmed Maxamed Book[isha]

Gabiley.net

Hargaysa Office