GUUSHA WAXA LEH ISLAAMKA IYO MUSLIMIINTA

Islaamku wuxuu soo maray laba goor oo lala yaabay{ qurbo}

Ta ugu horeysaa waxa ay ahayd wakhtigii nabiga SCW la soo diray, nabigu wuxuu yidhi{ islaamku wuxuu ku bilaabmay qariib wuxuuna ku dhamaanaya qariib}

Qurbada labaad waata aynu imika marayno

. Islaamku inuu yahay waxa lala yaaban yahay wakhigan waxa aad ku garanaysaa aarimahan soo socda :-

1. Marka aad tidhaahdo islaamku sidaas ayuu yidhi waa la la yaabaya.
2. Culimada waxa la leeyahay joojiya arrimaha aad ka hadlaysaan oo waxa aad ka hadashaan waxyaabaha waysada jabiya, dahaarada, oo ha ka hadlina dhaqaalaha, siyaasada.

Ø Mad harka xadaariga, dadka aduunyada u danbeeya waa wadamada muslimiin ah quraan ayey haystaan deegaankoogu nadiif maaha, wadooyinkoodu nadiif maaha .

Ø Maxamed cabdoo oo reer masar ah ayaa safar ku tagey wadamada reer galbeedka markaas ayuu yidhi islaamkii yurub ayaan ku soo arkay muslimiintana masar ayey joogaan,

Ø Dhinaca akhlaaqda:_ rasuulku SCW wuxuu yidhi waxa la isoo saarey inaan dhamystiro akhlaaqda teeda wanaagsan.

Muslimiinta waxa ku badan khiyaamada adigoon ku oran dhaaro ayuu iska dharaanaya, kii iibinayey alaabtu wuxu ku odhanayaa alaabtaa walaahi intaas ayey maraysaa adigoon ku odhan dhaaro, aduunyada waxba la iska ma waydiiyo iibka shay kasta wuu ku qoran yahay qiimihiisu inta uu yahay .

Qurbada aynu kor ku xusnay maxaa ka dhashay

1. In ay dad ka baxeen islaamkii , wadamo muslim aha ayaa mamnuucay inuu ninku guursado hal dumara wax ka badan.

2. In la kala kaxeeyo diinta iyo nolasha, lana yidhaahdo diintu masaajidka oo kaliya ha ku koobnaato, lana yidhaado siyaasada iyo dhaqaalaha diintu yaanay maamulin, siyaasadana rag ayaa yaqaana, dhaqaalahana rageeda ha loo daayo

gabagebo

rasuulku SCW isagoo la hadlayaa saxaabada waxa uu yidhi { arrinkani waxa uu gaadhayaa oo ah diinta islaamka meel kasta oo uu gaadho habeen iyo maalin}.
Islaamku wuu ku faafaya meel kasta oo ay habeenka iyo maalintu gaadhaa ama dhulka oo dhan.
Tirakoob ay sameeyeen waddamada reer galbeedku waxa ay yidhaahdeen islaamku wuu gaadhay meel kastoo addunyada ka mid ah, iyagoo intaa ku sii daray 2025 marka la gaadho in diinta islaamku noqonayso diinta ugu horaysa marka laga eego xagga tirada dadka iyo faafitaanka dadka iyo in yurub dadka ku nool ay wada noqon doonaan muslimiin

W/Q Axmed Xuseen Iraahiin

*********************************************************************

Gabileynews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Gabileynews dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga