Gabadhan ayaa sida ay Saxaafada u Xaqiijiyeen goob joogaayaal goobta dhacdadani ka dhacday nooga soo horeeyey waxay sheegeen in caruurtani qayliyeen markii ay suuqa soo galeen isla markaana shacabka magaaladu ay ka shakiyeen, waxaana gaadhiga ay wadatay gabadhani is hor dhigay wiil dhalinyaro ah waxana gabadhani la waydiiyay waxa caruurtu la qaylinayaan ee ay aamunsiin wayday iyo waliba caruurtan magacyadooda iyo abtirsiimadooda.
Waxaana goob jogayaashani ay noo sheegeen in ay gabadhani garan wayday balse ay shacabku caruurtani waydiiyeen ibtirsiimadooda waxaany caruurtu ka dhawaajiyeen inaanay garanayn gabadhan balse ay gurigooda hortooda kasoo kaxaystay ayna ku tidhi dhar Ayaan idin soo iibinayaa balse gabadhan ayaa sheegatay inay caruurtan habaryar u tahay isla markaana hooyadod ka maqan tahay gurigana ay iyadu ku hayso.
Gabagabadiina caruurtii iyo gabadhi soo xadayba waxa shacabka magaalada hargeysa ee ka hawlaysanayay suuqa ay u kaxeeyeen dhankaa iyo saldhiga magaalada hargeysa.
Dhacdooyinka noocan oo kale ah ayaa mudooyinkii u danbeeyeyba kusoo badanayay gudaha dalka Somaliland gaar ahaana magaalada hargeysa .
Gabiley.Net
Hargeysa/Office