ISBARBAR DHIGA URURADA JIHAADKA EE ALQACIDA IYO WALALAHA MUSLIMIINTA(IKHWAANUL-MUSLIMIN) W/Q: MR.HAMSE BASHE MOHUMED (H.WIYEER)

Kooxo Ciidan diimeed islam ah ayaa isku soo urursaday Peshawar

oo ku mid ah Pakistan 1988, waxayna cagaha u taageen Alqacida,

sababta ugu weyna waxay ahayd in ay ka horyimadaan fikraadaha

sucuudiga qaniga ah, isla markaana si qoto-dheer uga dhaadhiciyaan

dadka islaamka ah fikradaha jihaadka.

Ururkani muu noqon mid si wanaagsan u caan ah oo loo yaqaano

ilaa September 11 2001, wakhtigaas oo ay weerar ku qadeen Xaruntii

Ganacsiga Aduunka ee Maraykanka.

Ururkani xiligaas waxay sheeganayeen dhulal badan oo kuyaal

Afghanistan iyo qaybo kamid ah waqooyi galbeed Pakistan,

Hogaamiyaha ururkani waxaa uu ahaa wakhtigaas la aasaasay

Osaama Binladin ilaa intii ka horaysay dilkisii Maraykanku ka

dambeyeen, kaas oo ay ku dileen dagaal ay ku qadeen Magaalada

Abottabad ee Pakistan sanadkii 2014.

Ururka Walaalahi Muslimiinta, waxaa bud-dhigisii ka dambeeyey

Hassan Al Bana oo Masaari ah isla masar sanadkii March 1928,

sababtuna iyadoo ah mid diinta ku abtirsata, ahna urur u

dhaqdhaqaaqa Siyaasada iyo Bulshada rayidka ah, Nasiib daro

ururkan Muslimiinta Walaalah ahi waxay jireen muddo ka badan 85

sanadood, waxayna masuul ka noqodeen in ay qaabeeyaan oo ay

wax kabedelaan taariikhda iyo siyaadaha Masar.

Ururkani waa mid kamid ah, waana ka keli ah ee leh maamul iyo

nidaam sax ah ee ka jira masar gudaheeda, Waxa uu ururku isku

dayey dhawrjeer oo afgambi dawladnimo ah intii lugu jiray qarnigii

20 th , Ururkan waxaa la sharciyeeye sanadkii 2011 kadib kacdoonkii

Ka dhacay masar, wuxuuna masar ka aasaasay nidaam dawladeed.

Sidoo kale labadan urur waxay wada leeyihiin Jiho-diimeed isku mid

ah (Religious Agenda) taas oo ku qotonta xeererka shareecada

islaamka, Si kasttaba ha ahaatee waxaa jira xeer labadan urur ku

kala duwanyihiin marka loo eego xeerarka ay kudhaqmaan kaas oo

ah, In Muslimiinta walaalaha ahi yahay qorshohooda taariikhda u

galay in ay yeeshaan qorshe wadaniyad ah oo ka dhex shaqaynaya

Masar. Halka Alqaacida ay leedahayd xeer guud oo qorshaha ugu

jira kaas oo ah In dhamaan caalamku hoos imaado Maamulkeeda

Islaamiga ah, taasaanu qeexayaa xeerkani.

Si kastaba ha ahaatee, Walaalaha Muslimiinta ahi, ujeedadoodo oo

ahayd in ay kor u qaadaan sawirka islaamka ee laga aaminsanyahay

isla markaana xaliyaa wax dhaqamada Cusub ee casrigu ku

qiimaynayaa Islaamnimada. Haddaba Curashadii Qarnigii 21 ayaa si

Madaxbanaan (Democratically) doorashooyin dimuqraadi ah ka qayb

galeen oo ku gulaysteen maamulka boqolkiiba labaatan (20%)

kuraastii baarlamaanka ee 2005 kii, U jeedadooduna waxay ahayd si

ay u aasaasaan urur mucaarad ah oo xoogan oo ka soo hor jeeda

dawlada Masar ee xiligaas.

Intii u dhaxaysa sanadadii 2011-2012 ururku isagoo leh maamul xisbi

ahaaneed waxay ku guulaysteen kala-badh 50% tirade kuraasta oo

dhamay 498 kursi ee barlamaanka taas oo u taagneyd in ururku

yahay mid kamid ah kooxa is urursaday ka ugu awooda badan ee

masar intii uu socoday kacaankii Masaaridu ee 2011. Haddii aynu

shilinka dhinaca kale ka fiirino alqaacida ujeedadeedu waxay ahayd

in ay kor u qaado sawirka Islaamnimada ee Xusuusta kuleh

wadamada aan islaamka ahayn iyo dhaqanmada casriga ah. Ururkan

alqaacida. Ururkani waa alqaacidee ma taageero doorashooyinka

dimuqraadiyada ku dhisan, waligoodna kamay qayb qaadan.

Haddaba u jeedada ka dambaysa in Alqaacida dib boodhka uga tunto

sharciyadii Islmaanka isla markaana burburiso awood kasta oo ka

hortimaada arinkaas, Ururkan waxaa lugu eedeeyey tiro xubno kamid

ahaa oo lugu tilmaamay argagixiso, kuwaas oo ka caan ah caalamka,

iyo eedaymo ah in ay khalkhal gelinyaan caalamka, gaar ahaa

Pakistan. Ururkani wuxuu horumariyey xirfadihii tobabarka

ciidakiisan isagoo sameystay xarunta dhexe ee horumarka ciidanka

ee afganistan, waxayna noqdeen urur u furan ka qaybqaadashada

weerarada islaamiyiinta ee dhamaan caalamka.

Lasoco- Qaybta 2aad

W/Q: Mr.Hamse Bashe Mohumed(H.wiyeer)

E-mail:Xamse18@gmail.com