Isbedeldoonka Somaliland By Mukhtar Cilmi

Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabrakaato.

Sida aynu ula wada socono oo ay dad badani ka dhawaajiyeen in somaliland ay isbedel la taaban karo u baahantahay, hadaba waxa weeye sidee ayaa lagu gaadhayaa isbedelkaa? halkeese loo marayaa ama salaanka ugu dhow ee loo sii mari karaa waa kee?, waxay ila tahay in su’aashaa loo wada fahmo. Bulshadii somaliland waxay ku dhacay jaho wareer waayo waxa jira laba Xisbi oo isbedel doon ah una diyaara in ay maamulkan somaliland xukuma mid ka fiican oo tayo leh ku bedelaan sharciyadana waafaqsan.Haddaba Maalmahan u danbeeyey waxa soo if
baxayey in dawladdu mar labaad ku khafiifsan tahay in loo kordhiyo oo ay ka baxdo heshiisyaddi khusaynayay doorashooyinka.hadaba dagaal weyn aya loo baahan yahay si xalku halkaas gaadhin oo la khasbo xukuumadda in ay gasho doorasho xor oo xalaal ah .shiqsiyan waxay illa tahay in fikerka isbedel doonka la mideeyo laysuguna geeyo halka ugu mihiimsan ee u muuqata in ay ku dhowdahay jaranjartii loo kori lahaa is bedelka, oo ay Codkoodda Meel qudha isugu geeyaan kaas oo yahay xisbiga WADDANI oo ah xisbiga kaliya ee mucaaridnimadiisu dhab tahay si loo helo isbedel dhab ah Waayo arrinku wuu dhaafay cod lagu khamaaro ama lakala jejebiyo, fikerkaa dadka maanta raba isbedel doon iyo xisbiga WADDANI waa isku hadaf.Waxa wax aan la qaadan karin ah Fadeexadaha, cagajuglaynta, Muquuniska, iyo adeegsiga hantida qaranka, cabudhinta xoriyadal qawlka ay xukuumadda KULMIYE qarankeena ku maamusho, kaas oo ina xasuusiyey habkii dowladii faqashtu u dhaqmi jirtey iyo Durbaankii iyo mushxaradii kasoo horeysay!!.Haddaba Si kasta ha ahaatee waxaan ugu baaqayaa dhamaanba Bulshada reer somalilad ee isbedeldoonka ah ama rabta in dowladan fadhiidka ahi meesha ka kacdo in ay codkooda mideeyaan, wada tashi buuxdda sameeyaan kana doodaan si aan codkoodu u khasaarin oo aanu qayb u gelin, waayo SILAANYO Maanta hadduu dhaafo halka uu taagan yahay Waxa looga gudbaa waa 30 sanno ee Siyaad Barre.Bulshoy u kaca dalkeena waad aragtan reer SAAXIL sida loo bahdelayay hooyooyinka karbashka lala dhacayay. Waxaan kusoo koobayaa arinkani wuxu khuseeya siyaasiyiinta danenaya dalkooda iyo shacabka in aayahooda ka tashadaan oo isbedelkani si weyn u saameyn lahaa xaquuqdoodani ay ku gaadhi lahaayeen iyo nolol ka wanaagsan ta maanta dalkeena taal.sida ee muuqata ninka kaliya ee isbedel keeni kara hadii la doorto waa Gudoomiyaha XISBIGA WADDANI MD.C/raxmaan CIRRO.

Somaliland Guul ayaan u rajeynayaa iyo is afgarad natiijadiisu tahay isbedel keena 2017. Aamiin.

By Mukhtar Cilmi

mukhtarcilmi@hotmail.com

*********************************************************************
Gabileynews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Gabiley.net dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga