KOOXDA AL SHABAAB OO ASKAR KU LAYSAY KENYA

KENYA(GNN)Ugu yaraan lix askarioo booliis ah oo uu ka mid yahay taliye saldhig ayaa ku dhintay weerar ay Alshabaab ka gaysatay waqooyiga galbeed ee dalka Kenyasxa

Qofka ugu wayn ee looga shakisan yahay weerarka ayaa ka baxsaday saldhig booliis oo ku yaala Kapenguria.

Waa weerarkii koobaad ee la sheegay in Al-shabaab ay ka gaysteen gobolka galbeedka.

Ninka laga shakisanyahay ayaa magaciisa lagu sheegay Mwalimu Omari, waxaana la xiray labo maalmood ka hor isaga oo looga shakiyay in uu dhallinyaro qorayay oo uu barayay sida hubka loo isticmaalo.

Amin habeen ah ayay u suurtagashay in uu qori ka xoogo askari booliis ah isaga oo qaar ka mid ah laayay una baxay banaanka.

Booliisku waxay sheegeen in uu galay meesha saree ee waardigu fariisto uuna halkaas xabbado badan ka soo riday askar kalana laayay.

source BBC