Gudoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Kulmiye, Ucid, Waddani Iyo Xubno Wasiiro Ah oo ka Qaybgalay Wanqalka Degmada Cusub ee Balli Mataan.

HARGEISA(GNN):-Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo isugu jira xubno ka mid ah hoggaanka sare ee xisbiga iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland, ayaa maanta ka qaybgalay xaflad ballaadhan oo loogu wanqalay degmada cusub ee Balli Mataan oo ka tirsan Gobolka Maroodi-jeex. Sidoo Kale Gudoomiyayaasha labada xisbi mucaarid ucid iyo waddani gudoomiyaha  Golaha Wakiilada Somaliland Ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee waddani C/raxmaan Cirro iyo Eng faysal cali waraabe ayaa iyaguna madashan ku sugnaa.
Xafladda oo ka dhacday magaalada Balli Mataan oo isugu yimaadeen guud ahaan hoggaamiyayaasha saddexda xisbi Qaran ee Somaliland, wasiirro, siyaasiyiin muxaafad iyo mucaaradba isugu jira, salaadiin, cuqaal, aqoonyahan, waxgarad, haween iyo dhallinyaro fara badan oo goob-joog u ahaa wanqalka degmada Balli Mataan oo ka mid ah degmooyin cusub oo dhawaan uu magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo.

13669696_273603173003409_2245729329284287810_n

13882466_273602296336830_1316724597209839437_n

13901471_273596003004126_6942969167193336734_n

13886340_273605373003189_5267005047477115111_n

13775998_273605496336510_1205350863290040274_n

13895193_273602819670111_9023365364264449847_n