Maayarka Hargeysa Iyo Xoghayaha Dawlada Hoose Oo Waji Gabax Kala Kulmay Kulan Ay La Qaateen Masuuliyiinta Hay’adda WFP

Hargeysa(GNN):-Maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid(Soltelco) oo uu weheliyo xoghayaha fulinta ee dawlada hoose Axmed Maxamed Cabdilaahi(Darajo) ayaa kulan ay waji gabax kala kulmeen la qaatay masuuliyiinta ugu sareeya hay’adda WFP ee ku sugan magaalada Hargeysa.
Maayar Soltelco iyo xoghaye Axmed Darajo oo tagay xafiiska hay’adda WFP ee magaalada Hargeysa ayaa ujeedada ka danbaysa kulanka ay la yeesheen masuuliyiinta hay’addasi waxa uu la xidhiidhay inay kala hadlaan dhul hay’addaasi la siiyey oo ay sifo sharci daro ah u iibiyeen.

Sida ay sheegayaan wararka ay helayo shabakada Hadhwanaagnews masuuliyiinta hay’adda WFP ayaa maayarka iyo xoghayaha dawlada hoose ee Hargeysa u soo qadimay inay faraha kala baxaan dhulka la siiyey hay’addaasi, waxaanay sheegeen inay sida ugu dhakhsaha badan u dhisanayaan dhawaan.
Sidoo kale masuuliyiinta hay’adda WFP ayaa ku war geliyey maayarka iyo xoghayaha dawlada hoose inaanay wax xidhiidh ah la samayn dawladaha hoose balse ay iyagu yihiin dublamaasiyiin isla markaana ay dacwadooda gaadhsiiyeen hay’addaha ay wada shaqeeyaan ee wasaaradaha arimaha dibada iyo qorshaynta, taas oo ay ka sugayaan talaabadii ay ka qaadi lahaayeen masuuliyiinta dawlada hoose ee sifada sharci darada ah u iibiyey dhulkii loogu tala galay inay hay’addaasi ka dhisato xarunteeda ugu weyn.

Maayarka caasimada Hargeysa oo u muuqday inaanu wax badan ka fahmin qodobada ay kala hadlayeen masuuliyiinta ugu saraysa hay’adda WFP ee ku sugan magaalada Hargeysa isla markaana ka cudur daartay inaan loo turjumin ayaa si cad uga been sheegay masuuliyiinta WFP isaga oo ku dooday inay hay’addu ka maarantay dhulkaasi, balse masuuliyiinta WFP ayaa kaga jawaabay inaanu ku dhawaaqin talaabo aan ka iman hay’adda isla markaana aanu masuuliyiinteeda ka been sheegin.

Sidoo kale maayarka Soltelco iyo xoghaye Axmed Darajo ayaa ku dooday inay dhul badal u samaynayan hay’adda WFP balse masuuliyiinta hay’addasi ayaa si adag u sheegay inaanay marna aqbali doonin, waxaanay carabka ku adkeeyeen inay si deg deg ah u dhisanayaan dhulka markii hore la siiyey.

Ugu danbayna kulankaasi ayaa ku soo dhamaaday natiijo la,aan ay faro madhan ka joogaan maayarka iyo xoghayaha dawlada hoose ujeedadii ay u tageen xafiiska hay’adda WFP ee magaalada Hargeysa.

Gabiley.net