Madaxda Ka Danbaysa,MasuqMasuuqa Halista Ah ee Somaliland ; Marwo SamSam Cabdi Aadan

Sidii aan qormadii hore uga afeef-dhigtay in sheegista dhalliil iiga muuqata xil-qaran aan uga hadlay ee aanan qof uga hadlayn ayaan mar labaad qormadanna ugu celinayaa. Haddii’se la qofeeyo, Waxa ay noqonaysaa, “Qoluu dabada galiyoo, Qalad dhacay masuul
ma leh.”(AHN) Gaarriye.
Dhalliilaha habaq-baahsan ee Wasaaradda Maaliyada Somaliland ka jira waxa ay salka ku hayaan, maqnaanshaha Wasiirrada, shaqaalaha Wasaaradda Maaliyaddu ku dhowaad Saddex meeloodow laba meelood ayaan soo shaqo tagin ee maalinta bishu dhammaato uun u soo xaadira mushahar qaadasho. Waaxda cashuuraha bariga, shaqaalaha ka hawl gala, dhar gaar ah oo lagu aqoonsado iyo sumad Wasaaradeed midna ma wataan, taasi oo dhaawacaysa quruxda shaqaale dawleed hawl gal qaran ku jira.
Marar aan u kuur galay, wasaaradda 6:00 ilaa 70:00 subaxnimo ayay wasiiraddu qaranka u shaqaysaa oo wasaaraddeeda laga heli karaa; mana ah wax kaligeed ku kooban ee waxa la qaba masuuliyiinta kale xilalka noocan ah haya, waxyaabihii xisbiga Kulmiye ku ololaysanayay goortii doorashadana waxa ka mid ahaa, in qaranka loo shaqayn doonaan 8 saacadood. “Geela duqiisu durduriyo aarankiisana maxaad u malayn.” Meesha masuulkii ugu sarreeyay uu saacad shaqaynayo shaqaale hoosaadku gar bay u leeyihiin in aanay kaba soo daahirin xafiiska.

Mashaariicda sad-bursiiska ku baxa ee Wasaaradda Maaliyaddu ciiddaa ka badan, waxa aan ka xusi karaa, mashruuca “Tax payer education program” oo luugu sad-buriyay Cabdisalaan Maxamed Maxamuud “Bushe” oo ah guddoomiyaha waaxda Cashuuraha bariga. Mashaariicda kale ee uu Cabdisalaan qaatay ee uu la wadaagay nin ay Wasiiradda walaal yihiin Iyana waa kuwo badan oo aan hadda ku raad joogo, goorta aan warkooda oo sugan soo helo ayaan ummadda la wadaagi doonaa. Sida ay doonta ba ha ahaatee, dhaqaqaalihii dalka markii musuqmaasuq iyo laaluush lugu dhammaystay waxa hadda bilaabmatay in ilihii dhaqaale ee “Qaranka Naaska Irmaan u ahaa la jaro, shacabkana dibnaha laga jaro” Sawirka ugu quruxda badan ee arrintaa maanta aan u qaadan karaa waa sheeko Soomaalidan; “Waraabe ayaa Hal irmaan naasaha ka goostay, nirigteediina dibnaha ayuu ka cunay, waxaana laga hayay, maxay ku nuugi? Maxay’se ka nuugi?” Sheeko Soomaalidan xikmadda weyn ku fadhida ayuu (AHN) Abwaankii Cabdiqaadir Xirsi Yamyam soo xigtay, waanu maanseeyay. bal ila eega;
Sow maaha dirashada,
Duxda aan ka sugayaa,
Digashadii waraabaha,
Hal irmaan intuu dilay,
Horraaddadii dihnaa iyo
Labadii dambeed cunay,
Nirigtiina dabnaha jaray,
Isku soo duwee yidhi.
“Halkee tani ka darrartaa?
Maxay se tani ku duugtaa?”

Abdinasser Ibraahim <somaliland_author@yahoo.com

*********************************************************************

Gabileynews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Gabileynews dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga