Magaalada Berbera Oo La Ceeryoonsan Askar Tiro Badan Oo Shaaracyada Lagu Daadiyay+SAWIRRO

Magaalo Xebeedka xarunta Gobolka Saaxil ee Berbera ayaa maal mihii u danbeeyay la ceeryonsanayd askar tiro badan, kuwaas oo lagu daadiyay shaaracyada Magaalada.
Isgoosyada magaalada dhexdeeda ayaa laga arkaayay Askarta oo raxan raxan u joogta, lama garanaayo ilaa hadda sababta dhabta ah ee Magaalada Berbera loogu soo daabulay ciidamada tirada badan.
Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Berbera ayaa iyaguna suaalo badan iska waydiinaayay maalmihii u danbeeyay sababaha dhaliyay ciidadaman tirada badan ee Magaalada la dhoobay.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xili mudaharaado ka dhaceen Magaaloyinka Sheekh iyo Burco.