MAXAA NEEFKAAN QALABA QALAANQUSHAHA XAGA HORE RAACIYEY?

Godkaan qodoba maxaa bahalo igaga soo baxay, ma masbaa, ma mulacyo,ma jiir,ma jirqaa, ma abeesooyin, ma xaar-walwaal- Alla hayaan! Bal eega eega, ma mashruucii shidaal qodisaa, ma macdan baadhistii Siimood, ma wershaddii sibidhka, ma wereejintii haamaha shidaalka, ma Ceel gerde, ma dekedii Lughaya, madoorashadii golaha deegaankaa, ma wershadihii laydhkaa, maantana ma dekedii Berberay murankii degay. Maxaa wixii uu ku dhaqaaqaba buuqa geliyey.

Su’aalo badan ayaa la iska weydiinayaa waxa keenay fashilka mashaariic fara badan oo waaweyn oo Axmed Siilaanyo is yidhi soo kordhi dalkana horumar iyo barwaaqo gaadhsii laakiin guul daro ku afmeermay. Tolow maxay tahay sababtu?

Jawaabtu waa hal eray oo keliya. “You are not trusted.” Ummadu way kaa aamin ka baxday. Mar haddii kalsoonidii shacabka lumiso arinkaagu waa iska hadlow waa ina Igare.

Elmi Mohamed Ahmed

Hargeisa

Elmi Ahmed <elmimahmed@gmail.com

*********************************************************************

Gabileynews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Gabileynews dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga