Musharax Jamaal Cali Xuseen oo Dhanbaal Tacsiya u Diray Ehelkii uu Ka Baxay Cabdiwahaab Xaaji Cabdilaahi Diiriye (GamGam)

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN: Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen waxa uu shacabka Iyo Qoyskii uu ka Baxay Marxuum Cabdiwahaab Xaaji Cabdillaahi Diiriye (Gamgam) u Diray Tacsi Tiiraanyo leh.

Musharraxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga Ucid, Jamaal Cali Xuseen isagoo ku hadlayaa afka Xisbiga, kan golaha dhexe, guddida fulinta iyo ka Taageerayaasha Xisbiga Ucid, waxa uu halkan Tacsi Tiiraanyo leh uga dirayaa qoyskii, Qarabaaddii iyo Guud ahaanba shacabka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cabdiwahaab Xaaji Cabdillaahi Diiriye (Gamgam) oo 26/07/2016, Caawa xanuun ku soo booday ugu geeriyooday Hargeysa.

Musharrax Jamaal Cali Xuseen waxa uu Marxuumkaa ku sifeeyey Aqoonyahan, aragti fog leh, oo qaranka somaliland

kaga jiray kaalin waxku ool ah, isagoo door weynk ku lahaa kana soo qayb-qaatay nabadayntii, dib u dhiskii Jamhuuriyadda Somaliland, waxanu Marxuumka ku sifeeyey mid wanaag umadda iskugu haya. Ugu danbeyn Musharrax Jamaal Cali Xuseen waxa uu Marxuumkaa Ilahay uga beryey inuu Janatul Fardowsa ka waraabiyo, ehelkii, qaraabaddii, Qoyskii iyo Shacabka Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin… Aamin Aamin.