Nin Midi Ku Hubaysan Oo Habeenkii Xalay Dil U Gaystay Laba Ruux, Halka Uu Dhaawacyo u Gaystay Dad kale.

Burco(GNN):- Degmadda Sheekh Oo Hoos Timaada Gobolka Saaxil Ee Berbera ayaa xalay nin Ku Hubaysan Midi  ku dilay Laba Qof oo shacab ah,waxaana uu ku dhaawacay Afar Ruux Oo iskugu jira raga iyo dumar, waxaana ay bulshada ku dhaqan degmada sheikh oo dhacdadani ay argagax galisay Gacan ku dhiiglaha ku shegeen inuu ahaa nin maskaxda ka jiran oo qaba xanuunka dhimirka.

breaking news

Dadka ku geeriyooday  Midada uu La Dhacay Ninka Xanuunka Dhimirka ah qabay ayaa wakhtigaasi waxa ay ku sugnayeen makhaayad laga shaheeyo oo degmada ku taala,balse dadka dhaawacu uu ka soo gaadhay Ayaa lasoo sheegayaa in loola cararay Cusbitaalka Guud ee magaalada burco,kuwaas oo xaaladooda wali wax war ah aan laga hayn ilaa hadda.

Ciidamada amaanka ee degmada sheikh ayaa aakhirkii ninkan kacanta ku dhigay,waxaana lasoo sheegayaa xabadii ay ciidanku ku ridayeen ninkan xanuun sanaya ay ku dhacday ilma yar oo caruur ah kaas oo isna xaaladiisa caafimaad lala tacaalayo.

 

 

Burco Somaliland

Gabiley News Network