PUNTLAND OO SHEEGTAY IN 50% DILALKA KA DHACA MAGAALADA GAALKACYO AANAY AL-SHABAAB KU LUG LAHEYN.

Garoowe(GNN)Maamulka Puntland ayaa sheegay in dilalka iyo amni darada ka jira magaalada Gaalkacyo aanay 50% Al-Shabaab wax lug ah ku laheyn, kadib markii bishii hore waqooyiga Gaalkacyo lagu dilay dad dhowr ah.

Taliyaha Booliska Puntland C/qaadir Shire Faarax Ereg ayaa sheegay in waxa ka socda Gaalkacyo ay yihiin barakicin oo la doonayo in dadka waxgalka ah lagu laayo, si guryahooda looga barakiciyo.

“Dilalka Gaalkacyo ka dhaca 50% Al-Shabaab kuma lug lahan, , waxaa leeyahay kuwa wax laaya Al-Shabaab kaliya ma ahan, Gaalkacyo waxaa ka socda waa barakicin, hadii gurigaaga lagaa saaro waa nasiibkaa, Shabaab ma ahan waxa guryihiina idinka saaraya”ayuu yiri Taliyaha Booliska Puntland.

Waxaa uu ugu baaqay bulshada ku dhaqan Gaalkacyo inay guryahooda ilaashadaan, waxaana uu xusay in loo baahan yahay in dadka aanay cabsan oo ay soo sheegaan kooxaha dilalka ka dambeeya.

Magaalada Gaalkacyo oo u qeybsan labo dhinac, Waqooyi iyo Koofur ayaa waxaa ka kala arimiya maamulo hoos taga Puntland iyo Galmudug, kuwaasoo sanadkii la soo dhaafay labada dhinac dagaalo ku dhex maray.

 

Gabiley.net