Shirkada Isgaadhsiinta Casriga Ah Ee Telesom Waxey Ku Talaabsatey, Horumar Balaadhan Oo dhinaca Dhaqaalaha Ah.

Marka hore waxaan aad u salaamayaa dhamaan maamulka iyo hawl-wadeenada shabakada  wararka caalamiga ah ee GNN. Waxa kale oon u mahad-naqayaa dhamaan mulkiilayaasha, maamulka iyo shaqaalaha Shirkada Telesom.

 Waxa kale oon aad u soo dhawaynayaa qorshahan cusub ee lagu maal-galinaayo fikradaha hal-abuurka ganacsiga ee toknoolajiyada casriga ah ee dhalinyarada Somaliland.

Run ahaantii qorshahan cusub ee lagu gacan qabanaayo dhalinyarada ayaa noqon-doona mid ay faa’iido badan ka dhalin-doonaan dhalinyarada iyo da’yarta soo koraysaaba.

Hadaba waxa marag-madoona in ay dhalinyaradu tahay muraayada bulshada, waxaana lagama maarmaan ah in fikirkooda iyo taladoodaba la soo dhaweeyo, waayo waxay hayaan maskax dihin iyo maan-fayow, waxaana hubaal ah in ay iqtiraacaan ama hal-abuuraan hab-ganacsi ama mid tiknoolajiyadeed oo cusub amabase ay soo ban-dhigaan fikrado cusub oo horumar u leh bulshadooda.

Sikastaba ha ahaatee barnaamijkan ay daahfurtay shirkada is-gaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa ah  mid wax-badan ka qabandoona  dhibaatooyinka ay ka mid yihiin Tahriibta , Balwadaha iyo waxyaabaha la midka ah qorshahani waa mid dhamaan bulsha-waynta reer Somaliland ay aad usoo dhawayn-doonaan meelkastaba ha joogaane.

Sidaynu ka wada war-qabno shirkada Telesom waa shirkada ugu wayn shirkadaha isgaadhsiinta dalka waana muraayad laga dheehan karo in dadku wax wada qabsan karaan taasina keeni karto inay wax wayn ku soo kordhiso dhaqaalaha iyo horumarka dalka

Waxa kale oo ay shirkaddu qayblibaax ka qaadataa arimaha bulshada taageero joogto ahna u fidisaa hay’adda bulshada u shaqeeya sida jaamaadaha, cusbitaalada, waddooyinka, iyo waliba arimaha tabarucaadka dadka tabaalaysan,agoonta iyo cidkasta oo jilicsan oo ay duruufi ka muuqato taasi oo ay u sameeyaan raali ahaanshaha (ALLE) subxaanahuu wa tacaalaa.

Adeegyada  ay shirkada Telesom ka hirgelisay dalka waxa ka mid ah: Landline-ka , GSM-ka (Mobile), Internet-ka iyo Adeegyo kale oo casri ah iyo sidoo kale Adeegga ZAAD-ka oo leh dollar iyo kaashba.

Shirkadani hadaba waxay heerkan ku gaadhay maskaxda fayaw iyo maanka culan ee dhalinyarada waayo shaqaalaha shirkada Telesom 95% boqolkiiba shan iyo sagaashan waa da’yartii dalka wax ku baratay

Sida uu inoo cadeeyey agaasimaha shirkada telesom  ee dhinaca arimaha horumarinta bulshada  Mudane: Cabdiwahaab Maax

Hadaba Barnaamijkan maal-galinta ah waxa iska kaashanaya Shirkada Telesom iyo haayadaha  INNOVATE iyo Venture for Africa.

Maqaalkaygan waxaan ku soo gunaanadayaa ama aan ku soo koobayaa oo aan leeyahay shirkada Telesom hambalyo guul balaadhan ayaad gaadhay halkaa ka sii wad dadaalkaaga, shirkadaha kale ee dalka ka jirana waxaan leeyahay noocay doonaanba ha ahaadaane ku dayda shirkada Telesom oo dadaal muujiya WBT

 

W/Q: Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada ee Mustaqbal Mr: Axmed Wali Adan C/laahi(Axmed-Taajir)

Tel: 0634809929                     E: mail: axmed2080@gmail.com